Wasaarada Deegaanka oo Qabatay kulan Lagu Dersayo Seerayaasha Dalka

0
508

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan):- Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa u furtay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Deegaanka tababar lagaga hadlayay sidii xog dhamaystiran looga keeni lahaa seerayaasha qaran ee dalk .

Wasiirka Wasaarada Deeganka iyo Horumrinta reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo hadal ka jeedisay furitaankii Tababarkan oo muddo labo cisho ah socon doona ayaa usoo jeedisay ka qayb galeyaasha in ay ka faaiidaaystaan casharada lagu bixin doono.

Shugri Xaaji Ismaaciil oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi“Tababarkan Maanta (shalay) la qabanayaa waa hawl aad u muhiima oo loo baahnaa waxaanay daba socotaa tababar hore loogu qabtay Isuduweyaasha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumrinta reer Miyiga Somaliland ee Gobolada dalka,oo halkan xarunta Wasaarada Deegaanka Hargaysa isugu yimi oo ka warbixinayay dhulka iyo Seeerayaasha la ilaalinayo taas oo xogtooda la soo ururin doono.waxaanay noqon doonaan Isuduwayaasha Wasaarada Deegaanka ee Gobolada dalka Tababareyaal sii tababara Shaqaalaha Wasaarada ee Gobolada waxaana xusid mudan oo aan u mahadcelinayaa macalinka Casharada ka bixin doona Tababrkan waana in si Wanaagsan looga faa’iidaysto Tababarkan,”.

Waxaa kale oo isna furitaankii tababarkaas hadal ka jeediyay Agaasimaha Waaxda Tayaynta Deegaanka ee Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Axmed Maxamed Maxamuud ayaa oo sheegay in tababarku socon doono muddo labo cisho ah isla markaana lagu falanqayn doono Seerayaasha joogta ah.waxaanu yidhi“Tababarkan waxa uu socon doonaa muddo labo cisho waxaanu ku saabsanyahay Seerayaasha Joogtada ah,waxaanu Tababarkani daba socdaa tababar hore loogu qabtay Isuduweyaasha Wasaarda Deegaanka ee Gobolada dalka ka kaas oo lagu falanqeeyay Seerayaasha joogtada ah ee dalka,”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply