Wajaale: Gaadiid si Sharci Darro ah Dalka Uga Dhoofinayay Dhuxul oo la Qabtay

0
694

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Gaadiid Xamuul ah oo siday dhuxul si sharci darro ah dalka dibeddiisa ay uwaaridayeen ayaa gacanta lagu soo dhigay ka dib markii ay is wada jir ah uga wada hawl galeen ciidanka booliska degmada Wajaale iyo Wasaaradda deegaanka gobolka Gabilay.

Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland iyo Ciidamada Booliska ee Magaalada Wajaale ayaa gacanta ku soo dhigay toban gaadhi oo sagaal ka mid ah ay dhuxul sida gaadiid xammuul ah oo dhuxul sharci darro ah dalka dibedda uga saarayay isla markaana u gudbayay dhanka dalka Itoobiya

Ka dib markii ay hawl gal wada jir ah sameeyeen wasaaradda deegaanka gobolka Gabilay iyo ciidanka booliska degmada Wajaale.

Isuduwaha Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Gobolka Gabilay Farxiya Yuusuf Ciise ayaa sheegtay inay aafo Qaran tahay dhuxusha dalka laga shidayo.waxaanay tidhi“Waxaanu haynaa toban gaadhi waxaana la gayn doonaa xarunta Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland ee Hargaysa,geedkii qoyanaa ayaa la jarayaa baa’ba ayuu ku jiraa deegaankii dhirta qoyan oo la jaraana aafo qaran weeye wax la eegan karo maaha waana in la keeno wax lagu bedelo.”.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Gabilay Gaashaanle dhexe Aadan Cabdi Cawaale ayaa uga digay dhuxulaysata in ay ka Waantoobaan dhuxusha ay dalka dibedda uga saarayaan.waxaanu yidhi“Halkan Maanta(shalay) Wajaale waxa lagu qabtay toban Gaadhi oo mid madhan yahay iyo Sagaal raran oo dhuxul sida,waxaana dhuxushaas loo gudbinayay dalka Itoobiya,horena waxaa go,aan looga soo saaray dhuxusha la dhoofinayo iyo ta dalka ka baxaysa waxaan uga digayaa dhuxulaysata in ay dalka ka saaraan.inta ay geedkii qoyanaa shidaan oo dalka ka saaraan oo Boosaaso iyo Itoobiya u raraan dambi ayay ku gelayaan xabsiga ayaana loo taxaabi doonaa,”.

Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Magaalada Wajaale Gaashaanle Cabdiraxmaan Muxumed Madar ayaa sheegay in baabuurtan dhuxusha lagu soo qabtay ay galayeen una gudbayeen dhinaca dalka Itoobiya.waxaanu yidhi “Waxa ay galayeen dhinaca dalka Itoobiya Baabuurtan lagu soo qabtay dhuxushu waana in la helo wax kale oo lagu bedelo dhuxushan Roob la’aan iyo Xaaluf ayay keenaysaa dhirtan la gumaadayaa.”

 

 

Leave a Reply