Ujeedada Wefti Shan Wasaaradood ka Socda oo Gaadhay Ceel-afweyn

0
468

Ujeeddada ugu weyni waxa weeye in aanu qiimeyno baahiyaha adeegyada aasaasiga ah, kaddibna xukuumaddu …”Ubax Maxamed Maxamuud

 

 

 

Qore: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Ceel Afweyn (Dawan)- Qorshe ka turjumaya dhamaadka collaad ehli ah oo muddo afar sannadooda ka taagnayd qaybo ka mid ah gobolka Sanaag, ayaa ka bilaabmay deegaamada hoos-yimaada degmada Ceel-afweyn, halkaas oo ay xukuumaddu u dirtay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban shan wasaaraddood oo kamida kuwa bixiya adeegyada aasaasiga ah.

Guddidan, ayaa qiimeyn doona heerarka baahiyaha adeegyada kala duwan ee Deegaamada hoos-yimaada Degmada Ceel-afweyn, gaar ahaan meelihii ay ka dhaceen colaaddaha soo noqnoqday ee ay saameeyeen nololsha iyo adeegyada muhiimka ah, waxaanay ka soo diyaarin doonaan warbixin lagu dabaqo wax ka qabashada baahiyahaasi, sida ay sheegtay Ubax Maxamed Maxamuud oo kamida saraakiisha hogaaminaya guddidan oo warbaahinta la hadashay kaddib kulan magaalada Ceel-afweyn ku dhex maray Maayirka Degmadaasi iyo guddida ka socda Wasaaraddaha.

“Waxaanu halkan (Ceel-afweyn), isagu nimi wefti ka socda Hay’addaha Dawladda, gaar ahaan kuwa adeegyada bulshada bixiya oo ay hogaaminayso Wasaaradda Qorsheynta qaranka,kana mid yihiin Wasaaraddaha Waxbarashada, Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Biyaha.

Guddidani waxay u yimaadeen in ay qiimeeyaan baahiyaha ka jira degmadan, waxay mari doonaan deegaamada Ceel-afweyn, Darar-weyne, Fadhi-gaab iyo tuulooyinka hoos-yimaada, iyadoo hogaaminaysa degmada Ceel-afweyn.”

Ubax Maxamed Maxamuud oo hadalkeeda sii wada, ayaa tilmaantay in natiijada qiimeynta ay sameeyaan xukuumaddu iyadoo ka duulaysa bilaabi doonta fulinta mashaariic wax lagaga qaban doono dib-u-dhacyada adeegyada muhiimka ah, waji cusub oo horumarineedna dhabaha loogu jeexayo.

Waxaanay tidhi “Sidaas darteed, maadaama dhawaan laga shaqeeyey nabad-gelyada deegaanka, waxa meesha imanaysa in ay xukuumaddu qiimeyso baahiyaha bulshadu u baahan tahay in wax looga qabto, markaa ujeeddada ugu weyni waxa weeye in aanu qiimeyno baahiyaha adeegyada aasaasiga ah oo gudbino, kaddibna xukuumaddu talaabada ku haboon ka qaado, markaa maadaama oo awal laga shaqayn jiray waan-waan iyo sidii nabad-gelyada wax looga qaban lahaa, iminka waxa loo gudbiyaa dhinacii horumarka iyo in baahiyaha bulshada laga shaqeeyo.”

Maayirka Degmada Ceel-afweyn Cabdirixiin Yusuf Axmed oo isaguna gebagebadii shirkaasi ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa dedaalka loogu jiro dib-u-dhiska kaabeyaasha aasaasiga ah ee bulshada iyo guusha laga gaadhay soo afjarida colaadii ka taagnayd deegaamadaasi.

“Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa oo sidii ay markii hore u danaynayeen in deegaanka nabad-gelyo ka dhacdo, iminkana u danaynaya sidii horumar looga hirgelin lahaa. waxa kale oo aanu soo dhaweynaynaa kooxda ka socda Wasaaraddaha.

Waxaan rajjeynayaa in waxyaabaha ay indhahooda ku soo arkaan si deg deg ah nalooga soo jawaabo”ayuu yidhi Maayir Cabdirixiin oo dhanka kale tilmaamay in howlgalkani yihdi-diilo u yahay guud ahaan bulshada ku dhaqan degmada Ceel-afweyn, kana turjumayo dhaqan-galka dedaalladii nabaddeed ee muddadda dheer socday.

Guddida ka socda Wasaaraddaha dawladda, waxa socdaalkan ku wehelinaya xubno kamida guddidii nabaddeynta degmada ceel-afweyn oo qayb ka ah xogogaal u noqoshada xaalada deegaanka iyo dib-u-soo celinta kaabeyaasha aasaasiga ah ee Degmada.

 

 

Leave a Reply