Wasiir Koore oo Booqday Abwaan Muuse Cali Faruur oo Xaalad Caafimaad u Jiifa

0
485

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa booqday, abwaan Muuse Cali Cige (Muuse Cali Faruur) oo xaaladd caafimaad loo dhigey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Booqashaddan wasiirka ayaa la xidhiidhay u kuurgalida xaaladda caafimaad ee abwaan Muuse Cali Faruur. Waxaanu Abwaanka Illaahay uga baryay in uu caafimaad sareecan ah siiyo.

Abwaan Muuse Cali Faruur, ayaa si weyn ugu mahad naqay wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxaanu yidhi “Aad ayaan kuugu mahadnaqaya, Malaa’iiktu ha ku soo booqato, adiguna waad mahadsan tahay waan oganahay oo dadkeygii ayaad tihiin oo aad ayaan isugu kiin haleynayey”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelita mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ayaa abwaanka u rajeeyay caafimaad iyo cimri dheerer, waxaanu yidhi “ILLAAHEY waxaanu kaaga baryeynaa caafimaad iyo cimri dherer, dadka wax badan ayaad soo tartay, wax badan ayaad waanisay, wax badan ayaad murti u sheegtay, wax badan ayaad sida loo wada noolaan karo u sheegtay, ILLAAHEY ha kaa jasaa’I siiyo, bulshadana waad u soo shaqeysay taariikh macno lehna waad ku leedahay.”

Wasiirka Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay kaalintii mugga iyo miisaanka lahayd ee Abwaan Muuse Cali Faruur ka soo qaatay dib u dhiska dalka iyo nabadayntii dadka walaalaha ah ee Reer Somaliland, waxaanu yidhi “Nabadeynta wax ka muddanina ma jiro, anniga oo magici xukuumadda iyo ka wasaaraddaba ku hadlaya ILLAAHEY waxaan kaga baryayaa dadkuna koley way og yihiin oo Muuse ayaa xannuunsadday markay maqlaan aad ayaa laguugu soo duceeyey.”

Leave a Reply