Madaxweyne Ku Xigeenka oo Furay Shirka Nafaqaynta Hooyadda iyo Dhalaanka

0
454

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay furay shirweynaha nafaqada hooyadda iyo dhalaanka oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Barnaamijkan lagu dersayo nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka ayaa sanadkiiba mar lagu qabtaa Somaliland. Shirkaasi oo noqonaya kii labaad oo Somaliland lagu qabto.

Shirweynahan oo ay xubno ka yihiin wasaarradaha Waxbarashadda iyo sayniska, iyo horumarinta Caafimaadka ayaa lagaga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta iyo daryeelka heerka nafaqo ee dhalaanka Somaliland.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee ka shqeeya arrimaha hooyadda iyo dhalaanka, xubno ka socday wasaarradaha caafimaadka iyo waxbarashadda.

Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in laga wada fikiro sidii ilmo kasta oo nafaqo darro ku haysato Somaliland ay masuuliyadi ka saran tahay.

Waxaanu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka shaqaynayaan sidii xeerarka arrintaasi ku xidhan loo ansixin lahaa. Waxaanu yidhi “Barnaamijkani waa barnaamij caalami ah, oo soo socday muddo dhawr sanno ka hor ah, oo ah in kor loogu qaado nafaqadda carruurta iyo hooyadda. Iyadoo barnaamijkani uu wax weyn ka tari doono kor u qaadista nafaqaynta caruurta iyo hooyadda guud ahaanba caalamkoo dhan loogu tallo galay, gaaar ahaana jamhuuriyadda Somaliland.

Waana barnaamij la rabo in ay si wada jira isaga kaashadaan dawladda Somaliland, bulshadda rayidka ah, qaramadda midoobay, qaadhaan bixiyeyaasha iyo ganacsatadda. Qaybahaas kala duwani in ay gacanta ku qabtaan ayaa la rabaa.

Waxaanu barnaamijkani qayb ka yahay barnaamijyadda ay jamciyadda quruumaha ka dhaxaysaa ku hawlan tahay sidii bulshooyinka loo horumarin lahaa, ee loo heli lahaa bulshooyin caafimaad qaba.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxa uu si qoto-dheer uga hadlay faa’iida uu barnaamijkani u leeyahay kor u qaadista nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka, waxaanu yidhi “Sidaas darted, dawlada-na xil baa ka saaran, bulshadda rayidka ahna wax baa ka khuseeya, hay’adaha UN-ka ee marka hore-ba soo hindisay barnaamijkani qayb baa ka saaran.

Waxaanu ku jiraa barnaamijkan kor u qaadista nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanku, qorsheyaasha ama hiigsiga horumarka waara (Sustainable Development Goals).

Ka dawlad ahaan waxa naga khuseeya barnaamijkani. Nafaqadii meello badan ayay gelaysaa, wasaaradda hogaaminaysaa waa wasaaradda caafimaadka. Laakiin wasaarrado kale ayay khusaynaysaa, oo wasaaradihii cuntadda soo saarayay ayaa soo gelaya, waxbarashadii waxay ka soo gelaysaa caruurtii oo in ay wacyigelintii samayso iyo in hadhaw mustaqbalka lagu darro manaahiijta waxbarashadda.

Sababtoo ah ilmo nafaqo leh, oo dhisan ayaa fahamkiisa iyo waxbarashadiisu wanaagsanaanaysaa.”

Mudane Saylici waxa kale oo uu ka hadlay kaalinta ay xukuumadda Somaliland ka qaaadatay barnaamijkan, waxaanu yidhi “Ka xukuumad ahaan waxaanu samaynay mudadda labadda sanno ah ee uu socday barnaamijkani in aanu guddigii wasiirrada ahaa ee ay hawshani khusaynaysa aanu samaynay. Siyaasadii guud ahaan khusaynaysay nafaqadda la samayn doono.

Ilaa laga ansixin doono golaha wasiirrada, qaranku si uu ugu dhaqmo. Diyaar baanu taa u nahay, meel fiica-na waanu marinaynaa. Guddigaa wasiirrada ahna waxaa ka sii hooseeya guddiga farsamadda.

Xagga beesha caalamka iyo qaadhaan bixiyeyaasha-na waxaa ka khuseeya maadaama oo aan nahay dal yaroo aan dhaqaale badan haysan, in ay iyaguna dhaqaalihii iyo aqoontii, na garab wadaan inta aan meel gaadhayno, ay na daadihiyaan ayaa looga baahan yahay.”

“Sidoo kale ganacsatadda reer Somaliland ayaa looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan, si loo helo bulsho caafimaad qabta. Ma aha in aan caruurteena oo keliya ku ekaano, balse aynu xil iska saarno mar kastaba ilmo kastoo reer Somaliland oo dhibaataysan, oo nafaqo darro hayso, xilkeedu wuu ina wada saran yahay,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaanu intaasi ku daray “Ummaduhu waxay isku dhaafaan nafaqadda caruurtu siday u kala sarayso. Markaa bulshadeenu waxay inooga baahan tahay in aan ku wacyigelino siday u kala dooran lahaayeen cuntadda nafaqadda laga helayo. Taasina waxay u baahan tahay in aan si wada jira isaga kaashano”.

 

Leave a Reply