Wasiirka Warfaafinta oo Bulshada u Iftiimiyay Heerka Cadaawadeed ee Madaxda Soomaaliya u Hayso Somaliland

0
686

“Ninka  noocaas  u hadlaya waxaa muuqata in uu xambaarsan yahay fikirka   madaxweynaha u magacaabay ergada wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya” Wasiir Koore

 

 

 

Qore Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan)  Wasiirka  wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Jeneral Cabdiraxmaan Guul-wade oo  sarkaal ciidan ka ahaan jiray xukuumaddii millatariga ahayd Siyaad Barre oo xasuuq iyo dambiyo dagaal ka gesatay Somalland.

.Jeneral Guulwade,ayaa waraysi lala yeeshay ku sheegay in ay sax ahayd duqayntii iyo xasuuqii Xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa soddogii isla jananka u ahaa ay ka geysatay dalka Somaliland.

Hadalkaas ka soo yeedhay  Guulwade,ayuu Wasiirku ku sifeeyay in uu yahay mid ay ka filayeen isla markaana aanu waxba kaga duwanayn hadalo kale oo badan oo ka soo yeedhay dambiileyaashii xasuuqa ka geystay Somaliland.

Waxaanu intaa raaciyay wasiirku in Somaliland ay  tahay dal xor ah oo madaxbannaan,waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay in shaqsiyaad Guulwade iyo noociisa oo kale ah in Madaxda Soomaliya ay u xulato gudida wada hadalsiinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka  wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore  isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxaa muuqata in caqligiisu aanu ka duweyn kuwii hore,  madaxweynaha u magacaabay inuu ku jiro guddida wada hadalsiinta Somalilland  iyo Soomaaliya, waxaa muuqata in uu xanbaarsan yahay hadaladii bulshaddii hore ee Soomaaliya ay ku hadli jirtay ee aanay mahadin, inkasta oo ay joogto burburkeedii iyo baaba’eedi, inta xasuuqa ugu dhimatayna la kala guri la yahay daafaha duniddana Maydkoodii ka buuxaan, meelkastana tacadiga lagaga hayo,  in dadka noocaas ah ee masuuliyaddaasi lihi inay wada hadaladda ka mid noqdaan aad iyo aad ayaan uga xumahay.

Waxaan isleeyahay waxba kama duwana wixii hore ee aanu arki jirnay aad iyo aadbanan u canbaareynaynaa in hadaladda noocaas ahi, ay ka soo baxaan dad darajooyinka noocaasa gaadhay, ama cidi mar labaad ku deyday inuu ka mid noqdo dadka wada hadalada sameynaya, umadda reer Somaliland-na aad iyo aad ayaan uga tacsiyadeynayaa hadaladda ka soo baxay ninkaasi,  umadda reer Somaliland waxaan leeyahay waxaa aynu nahay dal Qarana oo madax bannaan buuxiyeyna  shuruudihii dal  lahaan jiray”

Leave a Reply