Guul-Wade Ex/Janaraal Waa Mid Ka Mida Janaraalladii Amray Xasuuqii Shacbiga

0
84

Waxa la yaab ah malaha in shakhsi ka mid ahaa Janaraalladii ugu awoodda badnaa xilligii uu Taliskii uu hoggaaminayey Siyaad Barre yidhaahdo sax ayey ahayd inaan cir iyo dhulba ka duqeyno shacbigii magaalooyinka ku noolaa iyo kuwii ka firxadeyba. Isla markaana waa fulay iyo caadadiiye uu ku marmarsoodo dagaalyahannadii xaq u dirirka ahaa ee dacarta leef-siiyey, hadh cadna ka saaray magaalooyinkii ay gudaha usoo galeen 1988kii, iyagoo kasoo dhaqaaqay dhinaca dalka Itoobiya, ayaa gabbaad ka dhigtay.

Janaraalkii Ciidanka Guul-wadayaasha oo waqtigaa ahaa sida Ilaalada kacaanka Iraan iyo Ciidammadii kale ee Faqashtuba way ka war-hayeen, in Ururkii SNM xaggooda dagaal ugu soo jahaysteen, haseyeeshee fuleynimo awgeed ayey ugu dhici waayeen inay ka hortagaan, si ay bannaanka ugu dagaallamaan inta hubeysani, shacbiguna uga badbaado in dushiisa laysku qabsado. Ciidammada ku sugnaa Burco iyo Hargeysa ee Taliskii Siyaad Barre waxay ahaayeen fadhiisinada ugu hubka iyo Ciidanka badan, balse waxa bahada kala baxay dagaalyahannadii ma soo jeestayaasha ahaa ee SNM, kuwaas oo markay ugu soo galeen dhufeysyadoodii ay ka dhigeen waxa ay ku dhex gawracaan iyo wax ka yaacay.

Janaraalkan oo uu Soddog u ahaa Madaxweynihii Maxamad Siyaad Barre, waxa uu ahaa Taliyaha Ciidammadii Guul-wadayaasha oo badankooda lagu soo tababari jiray dalka Kuuba, waxay Ciidammadiisu qeyb ka ahaayeen kuwii 1988kii ka dagaallamayey Somaliland, Ex/Janaraalkuna waxa uu ka mid ahaa ciil-qabayaashii ka taliyey, in la xasuuqo shacbiga Somaliland, iyagoo ku andacoonayey in shacabigii ay xasuuqeen dhufeys u ahaayeen dagaalyahannadii SNM.

Waxa kale oo ay xasuuqa shacbiga marmarsiyo uga dhigan jireen Janaraalladii uu C/raxmaan Guulwade ka mid ahaa, in aanay Jabhadu ku soo dhiirrateen soo geliddii magaalooyiinka haddii aanay shacbigooda ka haysan ballanqaad ah, in garab iyo gaashaanba ka helayaan, waxayna waxaas oo been ah u daliishanayeen kaliya in loo fasaxo xasuuqii kala duwanaa ee ay u geysteen shacbigii ku noolaa magaalooyinka

Sidaa darteed, maanta inuu qirto oo qiil aan jirin u sameeyo xasuuqii ka dhacay dalkan ee uu qeybta ku lahaa lala yaabi maayo laba arrimood dartood, ta kowaad waxa uu difaacayaa xasuuqii uu geystay, ta labaadna waxa u fasaxay oo weliba dabada kaga riixay Madaxweyne Farmaajaha Muqdisho ee qaab la mid ah kii maafiyada u dhaqma, kuna xukuma Muqdisho, isagoo ay ujeeddadiisu tahay sidii uu uga dhigi lahaa wada hadallada kuwa aan laysugu iman oo aan dib dembe layskugu soo horfadhiisan.

Arrinta kasoo yeedhay Janaraalkan ka midka ahaa kuwii xasuuqa ka geystay Somaliland ee hadda ku dhawaaqay, inay wax fiican ahayd oo ay ku saxnaayeen in shacbigii ku noolaa Somaliland lagu duqeeyo diyaaradihii dagaalka ee lagu soo iibiyey Cashuurtii laga qaadayey shacbiga, isla markaana duuliyayaal calooshood u shaqeystayaal loogu soo kireeyo lacagtaas, si ay naxariis la’aan ugu garaacaan guryaha dadku ku nool yihiin, waa mid uu isku qiray inuu ku raaxeyssanayey dhiigga shacbiga ee qulqulayey habeen iyo maaliba, waayo qeyb ayuu ka ahaa raggii talada goynayey ee amarrada xasuuqana bxiyey.

Magaalooyinka oo qudha lama duqeynine, waxa kale oo ay diyaaradihii dagaal;ku si joogto ah dusha uga garaacayeen shacbigii maatada daadaheysanayey ee ka qaxayey madaafiicdii habeen iyo maalinaba sio garab siman ah loogu garaacayey, iyadoo ay duuliyayaashii waday diyaaraduhuna kaga daba tageen shacbiga dhinacyadii ay uga kala qaxeen magaalooyinka, kadibna si arxan darro ugu duqeeyeen geedihii ay dumarka, carruurta iyo waayeelkuba hoos daadsanaayeen, kuwaas oo aan awoodeyn inay kolba meel kaga gabbadaan diyaaradaha.

Somaliland marnaba aqbali meyso in shakhsiyaadka uu ka mid yahay ex/Janaraal C/raxmaan Guul-wade oo ah nin dembiyo dagaal ka geystay dalkan, inuu miiska wada hadallada usoo fadhiisto, waxayna ka qaadi doonaan tallaabada ku habboon Janaraalkaa caddeeyey in duqeyntii diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda magaalooyinkii shacbigu ku noolaa ku garaaceen, kuna xasuuqeen tobanaanka kun ee qof ay sax ahayd, in shacbi iyo dawladba la gaadhsiiyo Hay’adaha xuquuqal Insaanka, Maxkamadda Hague ee dembiilayaasha dagaal iyo dhammaan dalalka iyo Hay’adaha daneeya arrimaha Somaliland iyo Somaaliya, intaas hadday wax ka qaban waayaana way yaqaanaan dadka reer Somaliland jidka iyo tabta kale ee ay u marayaan, Nacasyada uu C/raxmaan Guulwade ugu horreeyo ee ha xajisto wixii uu faanka ka dhiganayey.

Sida ka muuqata ficillada Maamulka Farmaajo madaxda ka yahay ee Muqdisho ka italiyaa, maaha kuwa dan iyo muraad ka le in wax hagaagaan, balse wada hadallo iska dhaafoo waa kuwa u taagan oo ka shaqeeya kala dirista iyo iska horkeenka intii wada joogtay ee iyaga hortood wada nooleyd, qof kasta oo sheegta magaca Somaali-na maanta waa ka war hayaa nidaamka maafiyeysan ee uu Farmaajo kula dhex jiro shacbigii Gobolka Banaadir oo uu xataa maamul-goboleed uga dhaartay, gaar ahaana inta Muqdisho ku nool oo kolba waddooyinka ka xidho, isagoo u adeegsanaya Ciidamo isaga u gaar ah oo Turkigu usoo carbiyey cadaadiska reer Muqdisho.

Waxa waajib ku ah reer Somaliland Xukuumad iyo Shacbiba inay meel isk,a dhigaan wada hadal oo ay isku diyaariyaan dagaal dhinac kasta leh, waayo Farmaajo wax aka dhaadhacsan in hadhiston Ciidan adag oo tiro iyo tayoba leh, inuu sidii adeerkii ku amar ku-taagleyn karo Somaliland iyo Somaaliya-ba, sidaa darteed waxa loo baahan inaan u diyaar-garowno dagaal aan ku difaaceyno Karaamadeena iyo jiritaankeena Qaranimo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here