Agaasimaha Komishanka Maamul Wanaagga oo xilkii la Wareegay

0
518

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan):-Agaasimaha Cusub Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Maxamuud Ismaaciil Cali ayaa shalay si rasmiya xilkii ugala wareegay Agaasimihii hore Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa Maxamed Aadan Xirsi.

Munaasibad xilka ay kula kala Wareegayeen labada Agaasime,ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Komishanka ee Hargeysa,waxaana ka soo qayb galay madaxda iyo xubnaha boodhka Komishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo shaqaale waynaha komishanka.

Agaasimihii hore ee Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Maxamed Aadan Xirsi oo munaasibaddii xil wareejinka hadal ka jeediyay,ayaa ka hadlay ahmiyadda qaranka Somaliland uu u leeyahay Komishanka Maamul wanaagg iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Agaasimaha xilka wareejiyay oo ka hadlayay shaqada komishanka maamul wanaaggu qaranka u hayo,ayaa yidhi. “Waxaan uga Mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland ee uu u igmaday Agaasimaha Cusub Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa qiimo iyo ahmiyad wayn ayuu Komishankani ugu fadhiyaa Qaranka Somaliland,waxaana u qorshaysan Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu hiigsanayaa sidii Hay,adaha Musuqmaasuq iyo maamul xumo looga dheerayn lahaa Hay,adaha Dawladda,”.

Agaasimaha xilka la wareegay oo sin munaasibadda xil wareejinta hadal kooban ka jeediyay,ayaa yidhi. “Waan uga mahadcelinayaa Agaasimihii hore ee Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa sidii uu usoo shaqaynayay,waxaanan rejaynayaa in aan ka sii wado halkii aad soo gaadhsiisay Komishanka Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa,”.

 

 

 

Leave a Reply