Shirkadda Panglobe oo Somaliland Ka Furanaysa Bangi Islaami ah

0
546

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) ayaa qaabilay wafti ka socda Shirkadda Panglobe Company ee dalka Thailand. Weftigaas oo ay hoggaaminayeen Dr. Peter Phongphaew iyo Prof Jamaal Thornhill.

Waftigan ka socda shirkadda Panglobe Company ee uu la kulmay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa maalgashi ay doonayaan in ay ku sameeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay dalka ka hirgelinayaan bangi Islaami ah oo isku xidhi doona caalamka iyo Somaliland.

Sidoo kale, weftigan ka socda Shirkadda Panglobe Company waxaa xubno ka ahaa Khubaro aqoon durugsan u leh dhinacyada Maaliyadda, Beeraha, Biyaha, Macdanta iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in u jeedada ay waftigani Somaliland u yimaadeen ay tahay in ay ka furaan Bangi Islaami ah, isla markaana uu ka Bangi ahaan u u socdo wada xaajood ku saabsan arintaasi.

Professor Iid Cali Salaan oo ah Guddoomiyaha Xarunta Ilays Development oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada waftigani u socdaan ay tahay mid kor u qaadaysa dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland.

Professor Iid Cali Salaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintani waa fursad weyn runtii, waxaanay wefigani ka kooban yahay khuburo ku takhakhustay dhaqaalaha iyo Saynisyahanno.

Sidoo kale, waxaa qayb ka ah Jaamacadaha Golis, aniguna (Professor Iid Cali Salaan) waan la shaqeeyaa Bangigan.

Arrintan waxaan u arkaa saddex geesood oo ah dhinaca Bangiga oo wixii aynu uga baahnayn aynu ka helayno iyo dhaqaalihii dalka oo kor loo qaadayo, sababta oo ah raggani waa Saynisyahanno ku takhakhusay beeraha, biyaha iyo macdanta.”

Guddoomiyaha Jaamacadaha Golis ee Somaliland Pro. Siciid Axmed Xasan, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaa inoo yimi wefti heer sare ah oo ka socda Bangi Islaami ah. Kuwaasi oo wax badan inagala qabanaya dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa laga helayaa shaqo abuur, waxaa lagaga baxayaa tahriibta, sidii kale khayraadka dalka ku kira ayaynu soo saaraynaa.”

Professor Peter oo hoggaaminayay weftiga ka socda shirkadda Panglobe Company ayaa gabogabadii munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in uu Somaliland ku bogaadinaayo horumarka dhaqaale ee ay ka samaysay dhinacayadda Dhaqaalaha Beeraha, Biyaha iyo Kaabayaasha kale.

Dr. Peter Phongphaew sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka shirkad ahaan ay ka go’an tahay inay ku xidhaan Somaliland suuqyada Aasiya, Australia iyo Yurub.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan imaado Somaliland oo kor u qaaday tacabka beeraha, biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo intaas oo dhami ay ka muuqdaan.

Waxaanu ka shaqayn doonaa sidii aanu Jamhuuriyada Somaliland ugu xidhi lahayn suuqyada Aasiya, Australia iyo Yurub,” ayuu yidhi Dr. Peter Phongphaew.

Masuuliyiintan ka socda Shirkadda Panglobe Company ee booqashada ku yimi Somaliland, maaaha kaliya ganacsato balse, sidoo kale waa saynisyahano waayo-aragnimo ballaadhan u leh arrimaha beeraha, biyaha, sayniska ciidda, tikniyoolajiyadda cimilada. Waxaana ka go’an inay horumariyaan nidaamka biyaha ee Somaliland, isla markaana mashruuca tijaabada ah ee ugu horreeya ayaa noqon doona biyaha Laascaanood si loo wanaajiyo tayadooda.

Dhinaca kale, Professor Iid iyo SiciiIid ayaa faah-faahin buuxda wefiga ka siiyay Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland, waayo aragnimadooda sayniska iyo aqoontooda iyo weliba shabakad caalami ah oo ballaadhan oo ay dhiseen, waxaanay iftiimiyeen sida ay uga go’an tahay inay kaalin mug leh ka geystaan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

 

Leave a Reply