Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulan ku Saabsan Horumarinta Saxaafadda

0
553

Qore Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa warbaahinta dalka ka hawl gala ugu baaqay inay dalka si isku mida uga waramaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in warbahainta looga baahan yahay in ay ilaaliyaan, isla markaana ixtiraamaan madax banaanidda Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Saxaafadda waxaan kula dar-daarmayaa dalka si wada jira wax ha uga weriso, inay qofkii dhan-gaagala qabato, inay madax bannaanida waddanka ixtiraamto, inay cida cadawga u ah taabtaan.

Waxaynu garan karaynaa in saxaafadda Somaliland ay talaabooyin badan oo hore ay soo qaaday, oo maalin ba maalinta ka danbaysa ay koraysay sida waddankuba u korayo, had iyo jeer na waxaa loo baahan yahay in ay isla jaan-qaadaan saxaafadda iyo hay’addaha dalka ka jira.

Haddii ay kala dheereeyaan ama kala horeeyaan waxaa iman karra gaab, hay’adda xuquuqul iinsaanku waa hay’add marna dawliya oo goleyaasha Qaranka ka tirsan oo bajad dawladeed ku shaqeysa, marna ah inay xuquuqda bulshada Somaliland ilaaliso ilaa biyaha sida loo cabayo xaq ayey u leeyihiin inay ka hadlaan”.

Waxaanu intaas raaciyay “Urrurka SOLJA waa urrurka suxufiyiinta Somaliland, waxaad mooda inay jiraan in aydaan afka ku dhufan oo aydaan ka qayb galin urrurka suxufiyiinta hablaha Somaliland ee WIJA, inuu ka qayb noqdo ayay ahayd.

Labadda-ba waanu aqoonsanahay labadaba waxaa ugu jira bajadka dawladda, marka Xuuto afkaaga kamaan maqal markaliya annigu qoladiina xuquuqal iinsaanku maydaan xusin, haday joogaana kumay darin, inay ka mid yihiin”ayuu yidhi wasiir Koore.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay kulan balaadhan oo meeqaam sare leh oo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Komishanka Xuquuqal insaanka qaranku si wada jir ah u soo agaasimeen oo shalay ka qabsoomay Ambassador Hotel.

Waxaana ka soo qayb galay kulankaasi masuuliyiinta xukuumadda oo ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta Somaliland, wasaaradaha arrimaha gudaha, Qorshaynta, taliya ku-xigeenka Bilayska, xubno metelayay hay’adaha caalamiga.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan Ingiriiska, masuulo ka socda urrurada bulshadda, ergay ka socday shirkaddaha ganacsiga iyo bahda saxaafadda.

Kulankani ayaa ujeedadiisu ahayd adkaynta xoriyadda warbaahinta Somaliland iyo soo bandhigidda warbixino heerka ay marayso xoriyadda iyo horumarka warbaahinta ee dalku.

Masuuliyiinta kala duwan ayaa warbixinaha kadib fursad u helay in ay soo jeediyaan qorsha xukuumadeed ee horumarinat warbaahinta iyo ilaalinta xuquuqdooda taas oo horseed u noqon doonta adkaynta seeska dimuqraadiyadda Somaliland.

Leave a Reply