Guddoomiyaha Hay’ada Baracayaasha oo Sheegay in Kaamamku u Madax-banaan yihiin Guddiyada ay Doortaan

0
616

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Baracayaasha iyo Qaxoontiga Somaliland ayaa shalay ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen Dadweynaha Kaamka Baracayaasha ee Mawle ee Magaalada Hargaysa kaas oo ay ku dooranayeen Xubnaha Hogaaminta ee kaamkaas.

Cabdikariim Axmed Maxamed oo hadal ka jeediyay shirkan ay iskugu yimaadeen dadweynaha Baracayaasha ee Kaamka Mawle ayaa waxa uu sheegay in aanay farogalin xubnaha ay doortaan kaamamka barakacayaasha ee dalka, isla markaana ay u madaxbannaan yihiin xubnaha ay dooranayaan.

Cabdikariim Axmed Maxamed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagu ma jeclin in aanu farogalino oo dhexdooda ku warwareegno arimaha kaamamka Baracayaasha in aanu wax la qabano mooyaane, in aanu wax u raadino mooyee in aanu wax ka dhex raadino Kaamkan Mawle waxa uu ka mid yahay Kaamamka Barakacayaasha ee Wadanka ka jira waxa aanu ku shaqaynaa waxa ay raaliga ku yihiin dadka kaamku. Mana jiro kaam anagu aanu guddi usoo Magacawnay oo wadanka ka jira oo aanay iyagu iska dhex dooran.

Waxaana jiray guddi hore ee Kaamkani samaystay oo Shaqayn jiray anaguna aanu la xidhiidhi jirnay, guddi dambaa jirtay oo Golaha Deegaanku Magacaabay anagu ka xafiis ahaan gudidaa Golaha Deegaanku soo Magacaaabay ma diidanin haday leeyihiin arimaha maamulka ee Dawlada Hoose ayaa gudidaasi nagala Shaqaynayaan anagu waxba kama qabno, anaguna shaqo ayaanu haynaa Golaha Deegaanku shaqo ayuu hayaa”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Baracayaasha ee Hay’ada Qaxoontiga iyo Baracayaasha Maxamuud Yusuf Cali, waxaanu Sheegay in ay dadweynaha Kaamka Malawle ay ku doooranayaan Xubnaha Hogaaminta Kaamka ee Barakacayaasha ee Malawle.waxaana uu yidhi “Maanta Shalay waxa aynu halkan u fadhinaa in lagu doorto xubnaha Hogaaminta Kaamka Barakacayaasha Malawle ee Magaalada Hargaysa oo ku iman doona rabitaanka bulshada”.

 

Leave a Reply