Halo Trust oo Xalisay Caqabado Haystay Dhigitaanka Dhuumaha Biyaha Hargeysa

0
529

Hargeysa- (Dawan):- Hay’adda Miino-saarista Halo Trust ayaa xalisay dhagxaan caqabad ku ahaa mashruuuca dhigitaanka dhuumaha Biyaha Hargeysa, ka dib markii ay miino ku qarxiyeen.

“Dhagaxyada waxa lagu burburiyey  qarax miino oo ay hay’addeenu fulisay” ayuu sheegay Matt Abercrombie maamulaha hawlgallada Halo Trust ee Somaliland .

Matt Abercrombie, waxa uu sheegay arrintani ay ka codsatay wakaaladda Biyaha Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa naga codsaday inaan xallino caqabad dhagax oo ka hortimid mashruucii dhigitaanka dhuumaha Biyaha Hargeysa.”

Mashruuca Biyo Gelinta Magaalada Hargeysa (HUWSUP) ayaa ujeedadiisa guud tahay in la wanaajiyo helitaanka biyo nadiif ah oo la awoodi karo, si  kor loogu qaado maciishadda qoysaska nugul ee magaalooyinka iyo xaafadaha magaalada Hargeysa.

Mashruucan oo sannadkii 2013-kii  lagu bilaabay dhaqaale deeq laga helay Midowga Yurub $ 23,453,290, ayaa qorshahiisu yahay inuu dhamaado sannadka 2021.

 

Leave a Reply