Ciidanka Deb-demiska Somaliland oo Markii Labaad Bakhtiiyay Dab Ka Kacay Ethiopia

0
561

Wajaale Dawan)- Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xarunta Wajaale ayaa shalay u gurmaday dab qabsaday laba qol oo ka mida guryaha shaqaalaha ee baanka Itoobiya ay ku leedahay degmadaasi.

Ciidanka ayaa dabkaas ku hakiyay halkii uu ka bilaabmay, iyadoo ciidanka dab-demiska Somaliland ee Tog-wajaale ay badbaadiyeen dhammaan hantidii taallay Bankaas, iyadoo ay nabadgaleen dhammaan qaybihii kala duwaanaa ee baanka, waxaanay ciidanku sheegeen in la baadhaayo sababta dabkan dhalisay.

Todobaadkii hore ayey ciidanka dab-demiska Somaliland damiyeen dab weyn oo ka kacay suuqa Itoobiya ee daanta galbeed ee Wajaale, daminta dabkaas iyo xakamayntiisa ayaa ciidanku ku guuleystay inay dabkaas bakhtiiyaan.

Ciidaanka deb-demiska Somaliland ayey shacabka Somaliland ku bogaadiyeen dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta naf iyo maal ee deegaanada Somaliland iyaga oo hadda bilaabay in ay u gurmadaan waddamada deriska.

 

Leave a Reply