Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga oo ka Hadlay Muhiimadda uu Ciidamada Qaranku u leeyahay Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiintu

0
473

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Wasiirka  Wasaarada  Gaashaandhiga   Somaliland  Cabdiqani  Maxamuud  Caateeye  Fariid  ayaa  hadlay  muhiimadda  uu  u  leeyahay   Ciidamada  Qaranka    xeerka  hawlgabka  iyo    Xaqsiinta  Ciidamada  Qaranka  kaas  oo hore uu u ansixiyay    Golaha  Wakiilada  Somaliland.

Waxaa kale oo u wasiirka difaaca Somalland uu ka hadlay wajibaadka ciidanka qaranka Somaliland iyo sidy kaalintoodii uga soo bexeen ee waliba ay u yihiin xilli kasta heegan qaranka ka jira cadaw kasta oo isku daya in uu Somaliland waxyeello u geysto.

Cabdiqani   Maxamuud  Caateeye  oo  hadal ka jeediyay  Munaasibadda 26 guurada ka soo wareegtay aaasaaska ciidanka qaranka Somliland   oo  Shalay  lagu  qabtay  Taliska  guud  ee  Ciidanka  Qaranka

 

ayaa ugu horrayn ka hadlay waajibaadka ciidanka qaranku u aasaasan yahay,waxaanu yidhi. “Ciidamada  Qaranku    waxay  Astaan u yihiin  Midnimada  Qaranka  Somaliland  oo  ka  turjumaysa   dhammaan  umadda  Somaliland,Ciidamada   Qaranku   waxay  leeyihiin mabaadii  iyo    Waajibaad  Qaran   waxaanu  u  xil  saaranyahay  difaaca  iyo  Madaxbanaanida    dalka  Somaliland.Ciidamada  Qaranku  waxa ay  u Hogaansamaan  oo  ay  tix  geliyaan   Dastuurka   iyo  Xeerarka  dalka  u  yaala,”.

Cabdiqani  Maxamuud  Caateeye  oo  hadalkiisa  sii wata,ayaa intaa raaciyay. “Waxa  wax  ka bedel  iyo  kaabis  lagu  sameeyay  Xeerka   Hawlgabka   iyo   Xaqsiinta  Ciidamada  Qaranka,waxaanu  xeerkaasi  suurta  gelinayaa in  Ciidamada  Qaranka  iyo  Saraakiishooda  muddada  dheer  usoo  shaqeeyay  dalka  in  ay  helaan Xaqsiin  ay  mudan yihiin, waxa  kale  oo  tani  fursad  noo  siinaysaa  in  Ciidamada kala  duwan  ee  dalka  Somaliland  in  ay  ku  soo  biiraan  Dhallinyaro  Wadankooda  u  adeega.Wasaarada  Gaashaandhiga  iyo  Ciidamada  Qaranku  waxaay xaqiijiyeen  Qorshaha  Qaranka  ee  labaad  Barnaamijka  Shaqo  Qaran  kaas  oo  cid  waliba  mahadisay.”.

Leave a Reply