Burco: Xildhibaanno Kormeeray Waddo 7 KM ah oo Dawladda Hoose Ay Dhisayso

0
481

Qore Khdar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa shalay kormeer ku tegay waddo ka soo bilaabmaysa afaafka hore ee Sayladda xoolaha Burco, taasoo uu dhismaheedu  socdo.

Wadadan oo dhererkeedu gaadhayo 7 KM waxay ka bilaabanta dugsiga Xuseen Kaahin,  Kala-dhac ilaa Haqayamalas, iyadoo halkaas kaga darsamaysa waddada Burco iyo Oodweyne ilaa Hargaysa.

Markii ay xildhibaanada iyo masuuliyiintan kale kormeerka ku tegeen waddadaasi waxaa ka socotay hawsha dhismaha, iyadoo Cagaf-cagafyadu ay ku jireen shaqadda lagu banaynayo jidkaasi.

Xildhibaanadaasi ayaa kala ahaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) iyo xildhibaan C/rasaaq Janaale, oo ay wehelinayay xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Burco iyo agaasimaha qorshaynta.

Waddadani ayaa  ka mid ah wadooyinka ay dawlada hoose ee magaaladda Burco dhisayso sanadkan aan ku jirno ee 2020-ka.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ka go’an tahay ka dawlad hoose ahaan fulinta waxyaabaha u qorshaysan ka dawlad hoose ahaan iyo wixii kale ee ay ku dari karaanba.

Waxaanu tilmaamay in ay bilaabeen wadooyin fara badan oo magaaladda Burco gudaheedda ah iyo meello kale oo magaaladda ka baxsan, bilawga sanadkan cusub ee 2020-ka.

Waxaanu yidhi, “Sida aad la socotaan, sanadkan 2020-ka waxaanu bilawnay Waddooyin magaaladd agudaheedda iyo banaankeedda ah, oo aanu ku kordhinayno kuwii hore ee badnaa. Halkan aan joogno oo ah Waddo 7 KM ah, oo ay dawladda hoose dhisayso.

Ka dawlad hoose ahaan, waxaa naga go’an in aanu wixii noo qorshaysnaa sanadkan iyo wixii aanu ku dari karna-ba, aanu qabano. Shaqadan aanu maanta kormeeraynaana waxay ka mid tahay shaqooyinka maalin laha ah ee aanu hayno”.

Sidoo kale xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in gudaha magaaladda Burco ay ka wadaan hagaajinta bilicda, isla markaana ay jidadka magaaladda ku xidheen Nal, iyo Shebeg dhirta lagu beerayo xoolaha lagaga ilaalinayo.

“Gudaha magaaladda waxaanu ka wadnaa bilicdii magaaladda ee ku wareegaysay Wadda, oo aanu ku wareejinay Shebeg iyo Laydh (koronto) aanu ku xidhnay, dhirna aanu ku beeri doonno”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Geesta kale xildhibaan C/rasaaq Janaale, ayaa isna sheegay in dawladda hoose ee Burco ay magaaladda gudaheedda ka wadaan ilaa saddex jid oo faras magaaladda ah. Sidoo kale-na ay wadaan waddo-banayn.

Dhinaca kale agaasimaha qorshaynta dawladda hoose ee Burco ayaa ugu baaqay bulshadda in ay qashinka dhigaan goobaha loogu tallo galay.

“Dadka muwaadiniinta ah, waxaanu ka codsanaynaa maadaama oo bilicdii magaaladda laga shaqaynayo, maadaama horumarkii magaaladda laga shaqaynayo, oo la doonayo in bilicdii magaaladda wax badan laga bedelo.

In ay qashinka halkii loogu tallo galay ay dhigaan” ayuu yidhi xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco.

Leave a Reply