Wasaaradda Beeraha oo Joojinaysa Siidhkii Dibedda laga Keeni Jiray

0
533

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland,ayaa kaydisay siidhkii dalagga dalka Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay siduu u kobcay wax soo saarka dalagyada dalka,waxaanay joojisay oo ay mamnuucday siidhadhkii dibedda laga keeni jiray ka dib waxyeello dhanka wax soosaark dalagga waxsoosaarka ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo Shalay Warbaahinta la hadlay,waxaa kale oo uu ka hadlay waxsoosaarka dalagyada dalka oo kor u kacay sannadkii u dambeeyay.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.“Wax soo saarka Beeraha Somaliland waxa uu kor u ka cay boqolkiiba toddoba iyo lixdan marka loo eeego Shantii Sano ee ugu Dambeeyay,labadii Sanno ee ugu Dambeeyay marka loo eego %50 ayuu sare u kacay intaas waxa jirtay Caqabado badan oo naga soo gaadhay dadka Beeralayda ah.siidhadhkii badnaa ee dalka soo geli jiray ayaa waxay nagu keeneen in gallayda iyo Hadhuudhka Cayayaan badani ku dhasho,waxaanan joojinay Siidhkii dibedda inooga iman jiray,waxaanan ka wasaarad ahaan aanu samaynay Siidhkii dalku lahaa oo aanu soo saarno dabadeedna aanu qaybino,”.

Sidoo kale Wasiirku ayaa waxa ugu baaqay Hayadaha Caalamiga ah in hoos u eegaan Ayax ka dilaacay Gobalka Salal.waxaana uu yidhi“Waxa Waddanka soo maray Sannadkii 2019 bishii lixaad Ayax inna dhaafay waxaanu ka tegay Ugxaan waxaana la filayaa oo la rejaynayaa in Bisha Saddexaad ee Sannadkan Roobku da,o,waxaana ugaxaantaa ayaxu Dilaacayaan marka roobku bilaabmo Koran kor ayaa la yidhaahdaa.waxaana saaka (Shalay) laga soo sheegay Xeebaha Saylac waxaanan ugu Baaqaynaa Hay,adaha Caalamiga ah ee aanu wada Shaqayno in ay hoos u eegaan,Ayaxaas dilaaci doono taasina ay keeni doonto dhibaato badan oo uu gaadhsiin doono Ayaxu Calafka Xoolaha.”.

Leave a Reply