“Guusha Doorashadu Waxay u Baahan Tahay Dedaallo Dhinac Walba ah” Dr Abiy Axmed

0
489

Addis Ababa- (Dawan):- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay u baahan tahay wada shaqeynta dhammaan dhinacyada ay khusayso guusha doorashooyinka soo socda ee dalka Itoobiya, mar uu la hadlayey baarlamaanka dalkiisa.

Sida lagu baahiyey FBC shalay, ka hor intaanu ka jawaabin su’aalahii Xildhibaanada, Dr Abiy oo warbixin kooban jeediyey ayaa ka hadlay caqabadahii ka horyimi xukuumadiisa guddo iyo dibad-b,a ka dib soo bandhigidii dedaallada dib-u-habeynta.

“Waddanku wuxuu ku guuleystey inuu ka hortago hanjabaado kala duwan, oo ay ka mid yihiin weerarro qorsheysan oo ka yimaada al-Shabaab. Faahfaahinta weerarada dhawaan ayaa la shaacin doonaa,” ayuu yidhi.

Ra’iisu-wasaaraha Itoobiya oo ka jawaabayay su’aal kusaabsan ardayda jaamacada Dembi Dolo oo la rumeysanyahay in la afduubay,waxa uu sheegay in aanay jirin koox sheegatay masuuliyada afduubkaas.

“Wax caddayn ah oo la taaban karo lama helin oo ku saabsan afduubka. Laakiin, guddi hawleed uu hogaaminayo ku xigeenka ra’iisal wasaaraha Demeke Mekonnen, ayaa xaalada si dhaw ula socda taxadarka loo baahan yahay,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyay “Natiijooyinka kama dambeysta ah ee baadhitaanka waxaa loo sheegi doonaa dadka markii uu soo dhammaado.”

Siideynta maxaabiista, ku soo laabashada xisbiyada siyaasadeed ee laga masaafuriyey guryahooda, furitaanka bogag badan oo internetka ah iyo wax ka beddelka sharciyada cadaadiska ayaa lagu xusay qaar ka mid ah guulihii laga gaadhay dib u habeynta siyaasadda dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in ay dawladdiisu qaaday talaabooyin dhawr ah si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira Hay’ada Sonkorta Ethiopia iyo mashruuca Biyo-xidheenka (GERD), kuwaasi oo laga gaadhay natiijooyin wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in 153 mashruuc oo qiimahoodu yahay 190 bilyan oo doolar laga fulinayo guud ahaan dalka.

Marka laga hadlayo doorashada guud ee soo socota, Ra’iisal Wasaare Dr Abiy ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’antahay qabashada doorashada sidii loogu talagalay, waxaanu yidhi “Guul laga gaadho doorashooyinka soo socda, waxay u baahan yihiin dedaallo dhinac walba ah.”

 

Leave a Reply