Faallo: Waddaniyaddu waa Laxaadka Horumarka Ummadeed

0
752

Qore SCC. Kalshaale

Waxaynu ku soconaa amma ku safarnaa dariiqyo burbursan, kuwo Dhagax iyo qashin ka buuxaan oo aad khatar ugu jirto in ay dhaawac iyo dhibaato jidheed kaa soo gaadhaan adiga amma qof kale oo kula mida, laakiinse damiirku inteena badan ma siiyo in aynu intii awooddeena ah dhibaatada aynu dul-marayno wax ka qabano, si aynu uga badbaadino bulshada waxyeellada , tusaalena ugu noqono dad kale oo badan oo aan dhaadanayn ahmiyada ay leedahay shaqada aynu qabanay.

Waxaynu, ku nool nahay dal iyo deegaan la moodo in aynu dadkii lahaa ka haysano oo aynu ka difaacayno, diyaarna u nahay in aynu ka tagno marka ay kuwii lahaa inagala wareegaan, sidaas darteed aanay masuuliyadi inaga saarnayn daryeelkiisa iyo dayac ka ilaalintiisa, danteenunna aanay dhaafsiisnayn wixii dumay yeelkadood wixii degay daymo ma leh.

Waxaynu hogaaminta dawladda iyo danta guud u doorannaa dad aynaan ku qiimeyn Karti, aqoon iyo howl-karnimo, balse aynu wakhtiga Doorashooyinka qaylada, sacabka iyo codkaba ku siino, qabyaalad iyo quutal-daruuri aan ka turjumayn qasti iyo qadiyad aan ku dhisan geed waabka danta guud.

Waxaynu, soo waaridnaa aqoon iyo dhaqamo shisheeye, waxaynu shahaadooyin sar sare ka haysanaa cilmi aan Maamul iyo arrad-beel ugu filnayn dabeecada iyo khayraadka dalkeena oo waxbarashada dugsiga hoose ilaa  heer jaamacaddeed ay da’yarteenu ka cabto inta badan goobaha waxbarasho ee dalka ka dhisan.

Dhamaan arrimahan iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin waa xaqiiqooyin dhab ahaan ka jira dalkeena Jamhuuriyada Somaliland oo ah nabad-gelyadiisa, nidaamkiisaa dawladdeed iyo kobociisa dhaqan-dhaqaale ku gedaaman yihiin caqabado la koraya amma ka hor-imanaya hadba sida horumarkiisu tognaanta ugu socdo.

Dadka Somaliland ma aha ummad asal ahaan liidata  ee waa bulsho awoow ka awoow lagu yaqaano maamul iyo dhaqan wanaagsan, isla markaana sida taariikhda laga wariyo ahaa dad dhisnaa aqoon ahaan iyo nolol ahaanba, wakhti aanay adduunka intiisa badan ka tisqaadin kaabeyaasha aasaasiga ah ee nololsha iyo horumarku, taasoo jiilka iminka joogga tusinaysa in ay ka soo jeeddaan ummad lahayd hal-abuurnimo iyo xadaarad udub-dhexaad u ahaa jiritaankeeda.

Hase ahaatee, sida ay dad badani rumaysan yihiin waxa isbedel dhaqan iyo durro aan dakharkeedu cuslayn ku dhacay, markii ay haaddaanta ku dhacday dawladnimadii ku luntay laab-la-kaca iyo Soomaali jacaylka 1960-kii, taasoo halloowgeedu bilow u noqday niyad-jab iyo cuqdad nugleeyey rejjooyinkii xilligaaas ay hormuudka bulshadu ceellalyadooda u ahaayeen.

Laga soo bilaabo wakhtigii ay gobanimadu luntay ilaa dib-u-xorayntii iyo dib-u-dhiska dalkan maanta ugu nabdoon geeska Afrika, waxa ay marxaladihii kala duwanaa ee bulshadu soo martay oo isugu jiray bur-bur nololeed, dagaalo, qaxoonti, dib-u-soo noqosho aan loo diyaarin qorshe dhaxal-reeb leh, ay sabab u noqdeen in ay aad u naaqusaan ama meeshaba ka baxaan oo aan bulshada loogu dhaqan-celin qaybo kamida waxyaabaha  xudunta u ah horumarka dalka iyo dadka,kuwaasoo la’aantoodu ilaa iminka ka muuqato waddanka.

Arrimaha dhaxal-xumadii burburka ku naaqusay, waxa kamida waddaniyada oo ah shay xubin weyn ka laxaadka horumarka umaddeed, qaran iyo bulsho, isla markaana ah aqoonta madaniga ah ee muwaadiniinta ku hagta ilaalinta danta guud, Iskaashiga shacbiga, jacaylka calanka, aaminnaada ciiddooda iyo hilaadinta hayaanka tolmoon, taasoo inta badan dadka waayeelkaa kaga xumaatay duruufihii qalafsanaa ee ay soo mareen, da’yarta dib-ula-soo-noqoshadii xornimada gaashaan-qaadayna aan si waafiya loogu barbaarin.

Waxaanay taasi sababtay in ay qiimo dhacdo hanti fara badan oo uu xataa nidaamkii dooxatada ahaa  nool kaga tagay, sida horumarinta iyo  ilaalinta afka, dhaqanka oo isna ugu weyn  waxyaabaha bulsho walba ku hannuuniya Waddaniyada, in ay  dadka xooggiisa dahaadhan tahay xubinta kor-yeelida xaqa Dalka iyo muhiimada iskaashigu u leeyahay haqab-tirka wax kasta oo umaddu u baahan tahay, sida nabad-gelyada, Caafimaadka, waxbarashada, Isgaadhsiinta, waddooyinka iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.

Haddaba, iyadoo aad moodo umadda xaalkeedu sidaa yahay in marba marka ka dambeysa uu  ku soo badanayaan dagaallada kale ee lagu dhalan-geddiyeyaa, isla markaana uu si weyn inoo bariinsaday tumaatiga dagaalka qabow ee ay dunida sida dadban ugu baabiyaan Dawladdaha horumaray, kaasoo hal-ku-dhigyada laga guntay dadkii hindisay ay kamid yihiin “Uma baahnid inaad waddan ku weerarto sanad milatari ee  waxa kaaga filan in aad iyaga ku yeellato cadowgooda”, Waxa Qaranka Somaliland Dawlad iyo shacab ku waajiba in dib-u-noolayn lagu sameeyo waddaniyada umadda, lagana bilaabo in dhamaan heerarka waxbarasho ee dalka lagu daro cilmiga Madaniga ah (Civic Education).

Wariyeyaasha Dawan

Email: curad1986@hotmail.com

 

Leave a Reply