Madaxweynaha Somaliland oo Safar Shaqo Ku Tegay Itoobiya

0
633

“Madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika”… af-hayeenka madaxweynaha

 

“Safarkan madaxweynaha oo qaadan doonaa muddo kooban wuxuu sii xoojin doonaa hawlihii diblomaasiyadeed” …

 

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii danbe safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya.

U jeedadda safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid la xidhiidha sidii uu hawlo diblomaasiyadeed iyo xoojinta xidhiidhka dalkaka qaaradda Afrika u sii xoojin lahaa.

Sida uu sheegay af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, oo warbaahinta uga warbixiyay ujeedka safarkaasi, ka hor intii aanay weftigaasi ka duulin garoonka diyaaradaha Hargaysa.

Waxaanu sheegay af-hayeenku in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay.

Waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waxaa halkaasi (Addsi Ababa) kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika.

Waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo halkaasi ka waday hawlo diblomaasiyadeed”.

Sidoo kale waxa uu af-hayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo muddooyinkanba ku sugan Addis Ababa u joogay hawlo shaqo.

“Safarkan madaxweynuhu wuxuu sii xoojin doonaa hawlihii diblomaasiyadeed, ee wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland uu Addis Ababa u joogay muddooyinkii u danbeeyay.

Safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban” ayuu yidhi af-hayeenka madaxweyuhu.

Geesta kale waxaa madaxweynaha safarkan ku wehelinayay xubno ka mida golaha wasiirrada oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Dhinaca kale waxaa shalay magaaladda Addis Ababa ka furmay shir madaxeedka sanad laha ah ee madaxweyneyaasha midawga Afrika.

Waxaana magaaladda Addis Ababa ku sugan madaxweyneyaasha wadamadda xubnaha ka ah ururka midawga Afrika.

 

Leave a Reply