Adis-ababa (Dawan) Raiisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiya Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Nigeria Maxamed Bukhaari.
Labada hoggaamiye ayaa waxay ka wada hadleen sidii loosii xoojin lahaa xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee labada dal.
Waxay isku afgarteen in laga dhaafo dal ku galka (Visa) dadka wata baasboorka Dibloomaasiga iyo arrimaha Milatariga, iyagoo heshiis kala sexeexda.