Waxay I Baratay Dunidu

0
494
  • Haka murugoon haddii aanu qofna kugu qadarin wanaaga,
  • Shimbiruhu maalin kasta way heesaan, qofna u mahadnaqo, waana ay iska wataan heesahooda maalin kasta.
  • Dadka qaar waxay kaa filanayaan male xun, xaga qaar kale kuu haystaan inaad malabka uga macaan tahay, midkoodna xaqiiqda ma hayo. Allah (sw) ayaa og xaqiiqda dhabta ah ee aad tahay, isaga ku xidhnow oo kaalmayso.
  • Inaad sida Diinka u socoto dariiqa saxda aya ka fiican inaad u orodo sida Deerada dariiqa khaldan.
  • Raali gelintu waa sifo dhif ah oo laga helo kuwa daacadda ah oo keliya
  • Sabirku waa wehelka xikmadda.
  • Ha niyad jebin qofka horumarka samaynaya, xataa haddii uu gaabinayo.
  • Saaxiibka xun uga cabso si ka daran sida bahalka dad cunka ah.

Leave a Reply