Khasaaraha ka Dhashay Shil Gaadhi oo ka Dhacay Deegaanka Kala-baydh ee Gobolka Gabileyh

0
859

Kalabeydh (Dawan) Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena wuu  dhaawacmay kadib markii gaadhigii ay la socdeen uu kula dhacay inta u dhaxeysa magaalada Gabiley iyo degmadda Kalabeydh.
ALLE haw naxariiste waxaa shilkani ku geeriyooday dirawalkii gaadhiga, oo magaciisu ahaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mida bulshadu Jibriil, waxaana ku dhaawacantay gabadh isaga la socotay.
Waxaa kale oo wararku intaasi ku darayaan in gaadhigani uu ka baxay magaalada Hargeysa, islamarkaana uu ku sii jeeday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Maaha shilkii koowaad ee dhacay inta todobaadkani hase ahaate waxaa jiray shilal noocan oo kale ah oo ka dhacay goboladda kala duwan ee dalka.
Khuburadda dhinaca gaadiidku waxaa ay arrintani ku sifeeyaan inta badan in ay tahay wadooyinka oo aan laheyn caalamadihii hagayaasha gaadiidka.

Leave a Reply