Khadar.M.Dhako.
Hargaysa(Dawan):- Siyaasi Cabdilaahi Xaaji Cumar Cabdilaahi Jawaan,ayaa sheegay in ay Somaliland guul u tahay safarkii shaqo ee Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayay ay ku tageen xarunta dalka Itoobiya ee Addis-ababa.
Cabdilaahi jawaan,ayaa intaa ku daray in si meeqaamsare ah loogu qaabilay Mdaxweynaha Somaliland qolka VIP ee garoonka caalamiha ah ee Addis- ababa,isla maraakana la sudhay calamada Somaliland iyo Calamada Itoobiya.waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa in uu ahaa Safarkii Madaxweynaha Somaliland ku tegay dalka Itoobiya safar guul u ah Somaliland waayo waxaan arkayay sida loo soo dhaweeyay,waa markii ugu horraysay ee calanka Somaliland la sudho gaadhigii uu raacayay Madaxweynuhu halkii lagu qaabilay ee VIP Calankii Somaliland iyo Calankii Itoobiya waa is garab sudhnaayeen sidii Madaxweynaha Somaliland loo soo dhaweeyay iyo sidii madaxweynaha Soomaaliya loo soo dhaweeyay isku mid ayuunbay ahaayeen Madaxweynaha Somaliland ayaana Wadanka loo doortay oo lagu aaminay isaga ayaana metela,Waxa uu muujiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isku kalsoonaan Adduunku waxa uu arkaa Somaliland oo uu ka aaminsanayahay fikrad Wanaagsan dad arrintooda dhamaysan kara wixii dhibaato ee jirana iyagu dhamaysanaya ayaa loo arkaa Somaliland,”.