Ganacsato ka hor-yimi Dhismaha Dekedda Wajaale oo la xidh-xidhay

0
418

“Wajaale laba dawladdood ka wada jiri maayaan ee dawladda Somaliland ayaa amarkeedu ka shaqaynayaa ..”Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka

 

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Wajaale(Dawan)- Ciidanka booliska Tog-wajaale ayaa maalintii shalay ku xidh-xidhay magaaladaasi Ganacsato iyo dad kale oo ka hor-yimi qorshaha dhismaha Deked qalallan oo laga dhisayo dhul dawladdu leedahay oo qayb kamida hore loogu qoondeeyey xabaallo, balse iminka intii xabaalaha loo jaray mooyaane intii kale loo diyaariyey in dekeddaasi laga sameeyo.

Xadhigga Ganacsatadan ayaa la sheegay in ka dambeeyey, kaddib markii ay warbaahinta ka sheegeen in ay dawladdu iibisay dhulkaasi, isla markaana ay buuq iyo fowdo kala hor-yimadeen wefti ka socda Maamulka gobolka iyo Wasaaradda horumarinta gaadiidka oo halkaasi tegay, sida uu sheegay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Gabiley hadlay sababta loo xidh-xidhay dadkaasi.

“Saaka (Shalay) markii aanu meeshii is nidhi soo dhagax-dhiga iyadoo badhasaabku na hogaaminayo dagaalbay nagu bilaabeen dhagax bay noo qaateen, wixii aanu qaban karaynay waanu qabanay, wixii kalena waxaan ku balan-qaadayaa meel kasta oo ay tagaan kiiskaa amni-darada ah in aanu u soo qabanayno, sharcigaana la mari doono”sidaas ayuu yidhi Taliyaha qaybta Boolisku.

Geesta kale, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa isna sheegay in dadka abaabulay muranka iyo fowdadu marmarsiiyo ka dhigteen in dhulkaasi xabaallo loogu talogalay, balse diyaarinta xabaallaha iyo qorshaha dekeddaniba yihiin masuuliyad dawladdu leedahay oo aan waxba ka khusayn shacbiga.

“haddii iskuul loo baahdo, haddii dhakhtar loo baahdo, haddii xannaano loo baahdo iyo haddii xabaallo loo baahdo,annaga ayey masuuliyadaasi na soo saran tahay oo dawladdii-baanu nahay.”

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sharciga lala tiigsan doono dadka ka shaqaynaya xasilooni-darada iyo kicinta bulshada, kuwaasoo uu farta ku fiiqay in ay kamid yihiin tijaarta ka ganacstada magaalada. “maanta wajaale waataasoo way camarintahay Ninka bilicdaa iyo quruxda ay leedahay magaaladu shoobaro gelinaya ee nabad-gelyada khalkhalka gelinaya, isagoo ganacsade sheeganaya, sharcigu wuxuu na kala siiyo ayuu helayaa”ayuu yidhi Gudoomiye Maxamed Cismaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa dhankiisa uga digay dadweynaha in ay faro-geliyaan shaqada dawladda, isla markaana laga hor-yimaado waxyaabaha lagu horumarinayo danta guud iyo adeegyada qaranka.

Agaasimaha ayaa meesha ka saaray jiritaanka doodda sheegaysa in dhulka laga dhisayo dekedda laga iibiyey dad shacab ah oo ku shaqaysanaya, hadalkaasoo uu kaga jawaabayo xan suuqa la geliyey sheegaysa in dhulkaasi la siiyey Ganacsade shacab ah.. “halkan waxa la dhisayaa waa wax Wasaaradda Gaadiidku leedahay, maaha wax cid gaar ahi leedahay, waa wax dalku leeyahay, wax qof leeyahay maaha”ayuu yidhi.

Agaasime Cumar ayaa intaasi ku daray “Dadka reer Wajaale ee shakiga ka muujiyeyna waxaanu leenahay annaga waxba naguma jiraan halkan dan ummaddeedbaa laga dhisayaa.

Wajaale laba dawladdood ka wada jiri maayaan ee dawladda Somaliland ayaa amarkeedu ka shaqaynayaa qofka shacabka ahi in uu dantiisa raacdo ayaa la doonayaa”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo u jeediyey Ganacsatada magaaladaasi in aanay ku xad-gudbin sharciga iyo fulinta Dawliga ah.

Dhanka kale, Maayirka Magaalada Wajaale oo faahfaahin ka bixiyey dhulka laga dhigayo Dekedda iyo meesha xaaballaha loogu talo-galay, ayaa sheegay “meeshan aynu iminka joogno ee Dekedda laga samaynayaa waa wadadii laamida ahayd, in laamida xabaallo la keennaana suurtogal maaha” ayuu yidhi Guddoomiye Xaashi oo ku eeddeeyey Ganacsatada Wajaale in ay doonayaan in ay ka taliyaan Dhulka danta guud ee Dawladda, kuna doodday in aanay taasi ahayn mid maamul ahaan aqbalayaan.

Geesta kale, Wargeyska Dawan wuxuu xidhiidh la sameeyey qaar kamida Ganacsatada Magaalada Wajaale si aanu warar madaxbanaan uga helno sababta keentay xadhigga Ganacsatada iyo xaqiiqada sida wax u jiraan. “Dhulka markii hore waxa loogu talo-galay Xabaallaha oo iminkaba dadka lagu aasaa, laakiinse intii wadada ku dhaweyd ayaa la yidhi waxa laga samaynayaa Deked qalalan oo lagu kala wareejiyo Gaadiidka, markaa waxa suuqa ku jiray in la siiyey Nin ganacsade ah oo dhisanaya Dekeddaas.

“taasaa markaa keentay guux iyo shaki”sidaasi waxa Wariyaha Dawan u sheegay mid kamida Ganacsatada Magaalada oo ka cudur-daartay in aan magaciisa xiganno sabab shakhsi darteed. Waxa uu intaasi ku daray inay masuuliyiinta dawladda iyo guddida ganacsatada magaaladu kulan gaar ah oo arrintaasi lagaga wada hadlay ay yeesheen habeen hore, kaddib markii laga baahiyey hadallo eeddeyn loogu jeedinayo Xukuumadda.

Hase ahaatee, iyadoo shirkaasi is-faham lagu gaadhay, haddana shalay soo korodhay xiisada sababtay xadhigga ganacsatada iyo hormuudka Odayaasha Magaalada.

Dadka la xidh-xidhay ayaa la sheegay in ay tiradoodu gaadhayso 19 ruux oo Ganacsato u badan.

 

 

 

 

Leave a Reply