Paris_(Dawan) Dalxiise Shiine ah ayaa dalka Faransiiska ugu geeriyooday caabuqa coronavirus kaasi oo noqday qofkii ugu horreeyay ee cudurkan ugu dhinta meel ka baxsan Qaarada Aasiya.
Dalxiisaha geeriyooday ayaa da’diisa lagu sheegay 80 sanno jir waxaanu ka yimi gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Faransiiska Agnès Buzyn.