Ankar (Dawan) Ugu Yaraan 7 Qof ayaa ku geeriyooday, 5 kalena way ku dhaawacmeen Dhul-gariir ka dhacay Gobolka Xuduudka ku yaalla ee Van.
Dhul-gariirkan ayaa ka dhacay Axadda Maanta, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha ee Turkiga.
Dhul-gariirkan oo Cabbirkiisa lagu sheegay 5.7 Higtar ayaa ka dhacay Gobolka Van ee Turkiga, kaasi oo saaran xuduudka IRAN.
Telefiishanka Turkiga ee TRT ayaa sheegay in Dhul-gariirku uu dhibaato soo gaadhsiiyey illaa 43 Tuulo oo Turkiga, kaasi oo leh Taariikh dhul-gariiro ah.
Telefiishanku waxa kale oo uu sheegay in Kooxaha Gurmadku ay gaadheen deegaannada uu dhibaateeyay Dhul-gariirkani, meelahaasi oo ay ku jirto Caasimadda Gobolka Van oo la sheegay in dhul-gariirku dumiyey guryo.
Dhul-gariirkan ayaa imanaya bil ka dib, markii dhul-gariir ka dhacay isla Dalka Turkigu uu dilay Dad gaadhaya 40.
