Dhul-gariir ka Dhacay Dalka Turkiga oo Keenay Dhimasho iyo Dhaawac

0
592

Ankar (Dawan) Ugu Yaraan 7 Qof ayaa ku geeriyooday, 5 kalena way ku dhaawacmeen Dhul-gariir ka dhacay Gobolka Xuduudka ku yaalla ee Van.

Dhul-gariirkan ayaa ka dhacay Axadda Maanta, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha ee Turkiga.

Dhul-gariirkan oo Cabbirkiisa lagu sheegay 5.7 Higtar ayaa ka dhacay Gobolka Van ee Turkiga, kaasi oo saaran xuduudka IRAN.

Telefiishanka Turkiga ee TRT ayaa sheegay in Dhul-gariirku uu dhibaato soo gaadhsiiyey illaa 43 Tuulo oo Turkiga, kaasi oo leh Taariikh dhul-gariiro ah.

Telefiishanku waxa kale oo uu sheegay in Kooxaha Gurmadku ay gaadheen deegaannada uu dhibaateeyay Dhul-gariirkani, meelahaasi oo ay ku jirto Caasimadda Gobolka Van oo la sheegay in dhul-gariirku dumiyey guryo.

Dhul-gariirkan ayaa imanaya bil ka dib, markii dhul-gariir ka dhacay isla Dalka Turkigu uu dilay Dad gaadhaya 40.

Sawirka Dhul-gariirka ka dhacay dalka Turkiga ee sababay dhimashada iyo dhaawaca

Leave a Reply