Dhaqanka Waalidka Ayaa Saamayn Ku Leh Ubadka

0
502

Qofka Aadamiga ah ma isagoo habaar qabe ah oo jecel inuu sameeyo xumaan oo dhan ayuu dhashaa,  mise qoyskiisa iyo duruufo gaar ah aya ku qasba inuu sidaasi sameeeyo oo uu noqdo mid u nool sida xayawaanka oo aan waxba ka mamnuuc ahayn?.

Qof kastaa wuxu ku dhashaa fidrada wanaagan laakiin waalidka weeyi kan diinta uu haysto ku barbaariyaa ee ka dhigaya Yuhuudi ama Kiristaan,

Sanakii 1971 ayuu Philip Zimbardo oo Maraykan ah, kana tirsanaa Jaamacadda Stanford isla markaana aqoon balaaldhana u leh cilmiga Cilmi-nafsiga (Psychology) uu tijaabo cilmi ah ka sameeyay  dadka maxaabiista ah iyo kuwa ilaaliya ee askarta ah ee haddana sida xun ula dhaqma maxaabiista.

Waxaan uu ogaaday inay maxaabiista iyo askartu ay dhaqan ahaan kala duwanaayeen oo kuwa aad u wanaagsan iyo kuwo xumiba ay  ahaayeen dhaqamada waaldikood 95%.

Waxaana uu yidhi :” Markaa aan qofka aad xun baadhis ku samayno waxaan ogaanay in waalidkiisuna uu aad u xun yahay, kan ixtiraamka leh ee dulqaadka leh ee aan khamrada cabin 95% waxay ahaayeen dhaqamo waalidkood lahaa”. Waxaana ay nagu noqotay yaab, taasi oo si cad noogu muujisay in qofka habaar qabaha ah 95% , uu waalidkood yahay habaar qabe. Halka duca qabaha ee akhlaaqda iyo naxariista badana uu 95% yihiin kuwo waalidkood uu dhaqankaasi lahaa.   Waxaana Ilmaha yar saamayn ku leh hadba dhaqanka uu ka arko waalidiintiisa.

Leave a Reply