Fashilkaaga Sabab Ha U Noqon!

0
615

Laba nin oo dhoowaca ah ayaa Isbitaal hal qol wada jiifay, qolkuna wuxu lahaa daaqad keliya. Ka dhinaca daaqada xigay dhaawac aad uu culus ma qabin, laakiin kan kale ayaa dhaawac weyn oo aanu ka fadhiisan karin qabay.

Ninkan daaqada xigay wuu fadhiisan karayay, marka kasta kan kale wuxu uga sheekayn jiray waxa uu daaqada ka arkaayo, waxaana uu ku odhan jiray daaqadu waxay ku beegan tahay beer weyn oo cagaar ah oo raaxo oo dad badani isugu yimaadaan. Waan ku indho doogsanayaa.

 

Subax danbe gabadhii kalkaalisada caafimaad waxay la kulantay ninkii daaqada xigay oo dhintay , ka dib qolkii ayaa laga qaaday. Ninkii kale ayaa ka codsaday in sariirtaa daaqada isaga loo bedelo, waana laga ogolaaday.

Markii sariirta daaqadii loo geeyay ayuu isku deyay inuu daaqada ka daawado quruxda beerta. laakiin ilaa uu fadhiisto ma arkaayo, ka dib wuxu isku deyay inuu fadhiisto inkasta oo uu aaminsana in aanu fadhisan kari ugu danbaystii wuu fadhiistay , daaqadii ayuu eegay mise gidaar ayaa ku gudban oo waxba lagama arkaayo.

Isagoo fadhiya oo yaaban ayay usoo gashay gabadhii kalkaalisada oo iyaduna la yaabtay sidan uu u caafimaaday ee uu fadhiyo. Ka dibna waxa uu ku yidhi “ Ninkii halkan jiifay ee dhintay muxuu beenta iigu sheegi jiray oo ii odhan jiray daaqadaa beer qurux badan ayaan ka daawanaya “? . Kalkaalisada ayaa ugu jawaabtay “ Ninkaasi wuu idho la’ oo quruxu iyo abaar midna ma arkayn, laakiin adiga ayu ku dhiirgelinayay oo u doonayay inaad fadhiisato, maanta waadiga fadhigii isku deyay ee awooday.  Xaqiiq ahaan dad badan ayaa sabab u ah fashilka nolosha ee ku dhacay.

Leave a Reply