Mucaarid Haka Shakiyin Awooddaada

0
684

August 3, 2003, ayaa Gudoomiyihii hore ee Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Alla ha u naxariistee Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa ka hadlay mawqifkiisii ku waajahnaa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin shirka Kenya uga socda kooxaha Soomaalida, mawduuc dooddi ka taagnayd sida hadda oo ahaa doorashada baarlamaanka. Waxaa kale oo uu ka hadlay waagaas wufuud la filayay inay dalka soo booqdaan.

Qodobka Shirka waxa uu ku tilmaamay mid aan waxba ka duwanayn kii kooxda Carta ee ka horeeyay.

Mudane Qaybe isaga oo ka hadlaya war ku saabsanaa wefti la sheegay inay guddiga farsamada IGAD ee shirka Kenya waddaa u soo dirayaan Somaliland, isla markaana ay dawladda Somaliland diiday waagaas sidda hadda oo kale inay u yimaadaan waxa uu yidhi “Anigu haddii ay dad inoo yimaadaan oo ay leeyihiin aanu idinla hadalno waxba kama qabo, waayo mawqif ayeynu ka leenahay arrintaa, marka ay inoo yimaadaana mawqifkeena ayuun baynu u sheegi, anigu diblomaasiyadda sidaan u bartay hadalka lama diido, waayo haddii aad tidhaahdo idinla hadli maayo gar-diid ayaa laguu qaadanayaa, markaa aniga haddii taa la igala tashan lahaa, weftigaa waan soo dhaweyn lahaa, anigaana diyaar u ahaa inaan runta u sheego, balse haddii kolayba arrintii dhacday oo xukuumaddu mawqif ka qaadatay kaasaa loo baahan yahay inaynu wada ayidno”.

wagaas, Gudoomiyihii golaha wakiillada waxaa wax laga weydiiyey mawduuca doorashada baarlamaanka oo ay dooddi ka taagantahay iyo bal sida ay isula jaan qaadi karaan madaxweyne la soo doortay iyo baarlamaanka aan la doorran, wuxuuna ka yidhi “horta dib u dhacu ma aha mid maanta bilaabmay ee wuxuu bilaabmay wakhtigii dastuurka oo dastuurku sannad ayuu dib u dhacay, doorashadii madaxweynuhuna sanad iyo badh ayey dib u dhacday, markaa horta wuxuu way is-riixayaan oo dib u dhacan doorashada baarlamaanka waxa keenay dib u dhacyadaa hore, qodobka labaad haddii golayaashan waqti loo kordhiyey taasi sharci bay ku fadhidaa ee sharci darro meesha kuma fadhiyaan, ta kale marka laga hadlo ma isla jaanqaadi karaan golahan iyo madaxweynaha la soo doortay, horta golahan waa la soo doortay. dadkana wakiil bay ka yihiin, meeshana iskama ay iman ee xadkii dastuurku tilmaamayey ayey ku yimaadeen. Ta kale sharcigii doorashooyinka baarlamaanka halkan (fadhiga wakiilada) waa lagaga wada hadlay sannad ka hor, taas oo qodobadii kale oo dhan la dhameeyey, laakiin saami qaybsigii gobolada ayaa la isku qabtay, beelaha qaarkoodna way ka dareereen, arrintaasina weli way taagantahay oo beel waliba waxay doonaysaa saami libaax inay qaadato, markaa arrintaasi ma aha arrin golaha kelidii ku filan yahay ee waa arrin u baahan xal qaran, oo ay dawladda, Axsaabta iyo baarlamaankuba ka mid noqdaan. Waxa kale oo jirta xuduudihii uu Ingiriisku ka tagay lix degmo ayey ahaayeen, lixdaa degmana waa lixda gobol ee maanta jira, lixdaa degmo waxay lahaayeen xuduudo la yaqaano, laakiin maanta xuduudihii waa la isku haystaa meelaha qaarkood, sidoo kale waxa jira degmooyin ciidaa ka badan oo aan kala xadaysnayn, arrimahaasna xukuumadda waxanu u qornay inay soo dhamayso,”

Ilaahay ha u naxariistee,waxaad mooddaa in uu maanta ka hadlayo, la yaabna ma aha oo dhacdooyinka ayaa soo noqnoqda waana sababta loo yidhi ‘Wax ka barro taariikhda.’

Waagaas waxaa loo arkayay in ay u dhaw yihiin golayaal ahaan Xukuummada, su’aal arrintaas laga weydiiyayna waxaa uu kaga jawaabay oo uu yidhi. “Ta aad leedihiin xagga madaxweynaha ayuu la jiraa, waxaan leeyahay waar dee madaxweynaha iyo aniga (Gudoomiyaha wakiillada) iyo Sheekh Ibraahim (Gudoomiyihii Guurtida Ilaahay ha u naxariisto) waxaanu nahay madaxdii dalka, waxaana naga dhaxeeya wada shaqayn, haddii aanu iska hornimaadnana taasi dalka ayey waxyeelaysaa, markaa ilaa intii aanu karri karno inaanu wada shaqayno waa waajib, laakiin nin waliba hawshiisa u gaarka ah ayuu leeyahay”.

Sheekadan, waxaa aynu ku keenay, shir ay labada xisbi shalay qabteen qodobadda ay ka hadleen badan koodda jawaabtoodu kor ayay ku xussan tahay. Waxa haddii lagu darri karro dheeraad ahaa oo labadda Oday Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Ciro ka hadleen laba arrin. Kow Cirro waxaa uu ku dooday in aan waxba laga bedeli karrin xeerarka doorashada. Iyaddoo la oggaa inuu si shakhsi ah xattaa gaadhay inuu qodobo u bedello waqtigii uu hoggaaminayay Golaha Wakiillada. Waxaana uu ansixiyay isaga oo ka ordaya inuu ka dego Kursiga Golaha in xeerkii doorashadda ee tilmaamaya in Lix bilood ka hor uu is casilo ka dhigay sadex bilood. Maantana waxaa uu ka hadlayaa isaga oo ka baqaya tartanka in ay sharci darro tahay in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyaa, waana tusaalle uun’e, xattaa waqtigii hore ee la furayay ururadda isaga ayaa qaybta ugu weyn ka qaatay kaabistii iyo wax ka bedelkii xeerkaas, markaa xaalku ma la jiifiyaana banaan baa. Inta aad doorasho diido inaad haddana xalka duruufta iyo waqtigu keenay ka cabato maxaa keenaya.

Ta kale, Guddoomiye Faysal oo isagu ka walaacsan ururadda la hadal qaaday si kasta waa uu u hadlay, waxaana uu xattaa xaalka gaadhsiiyay dawlad la’aan iyo cashuurta ayaanu odhan ha bixinina haddii lacagta Xisbiyaddu qaataan lanaga yareeyo. Waxaa ku fillan wixii sharcigu ku siiyo Faysalow ha ka booddin 20 sanadood ooh ore ayaad cunaha kaga duubnayd UCID, haddii labaatan kale ummadu kuu doorato sharcina ku siiyana cid kuu diidi kartaa ma jirto’. Wixii intaas dhaafsiisana cidna kaa yeelli mayso’e,. waxaan ku soo gunaanadaynaa iyaddoo aan lagu talaxtagin, Faysal iyo Cabdiraxmanow fadlan sidiinii ha is duqeyninna’e ku dedaalla inaad kasbataan shacabka.

 

Leave a Reply