Xildhibaano si Adag ugu Jawaabay Xisbiyada UCID iyo WADDANI Soona Dhaweeyay Furista Ururada Siyaasadda

0
570

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaano ka tirsan golah wakiiladda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay labada guddoomiye xisbi mucaarid oo si wayn uga soo hir jeestay hadalkii Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdu ku sheegay in la furi doono ururadii siyaasadda, hadalkaas oo dhamaan bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwani aad u soo dhaweeyeen.

Waxaanay mudaneyaashu intaa ku dareen in xisbiyada mucaaridku aanay ka turjumayn rabitaanka shacbiga Somaliland.

Xildhibaan  Maxamed  Jaamac  Cabdi iyo xildhibaan   Saleebaan  Cawad Cali Bukhaari  oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa intaa ku daray in labada xisbi mucaarid sabab u yihiin in dalka ay ka qabsoomi waayaan doorashooyinku xilligii ay u muddaysnaayeen isla markaana aanay xilliganna diyaar u ahayn in dalka doorashooyin laga qabto.

Ugu horrayn xildhibaan Maxamed  Jaamac Cabdi  oo  Arimhaa  ka  hadlayayna  waxa  uu yidhi“Waxa dib u riday arinta Doorashooyinka Xisbiyadda  Mucaaradka  Madaxweynuhu  markii  uu  talada  qabtay   waxa u bilaabay inay suuragalaan qabashada  Doorashooyinku,Xisbiyadda Mucaaradka ayaa yidhi  Komishanka  Doorashooyinka  dooni  mayno  laba  sano  ayaa ku  lumay Komashankii  Doorshooyinka ee kale  waxa ay yidhaahdeen dooni mayno. Dastuurka ayaana  jideeyay   in Golaha Wakiiladu  fadhiyaan inta gole kale la  dooranayo markaa  muranka  Siyaasiga ah ee   jiraa  waxa  uu ka yimi dhinaca  Xisbiyadda Mucaaradka,waxaanay  keentay  in Shacbigii  ka  qanceen Xisbiyadii Mucaaradka  taaas ayaa   keentay  in  Shacbigii  ku  farxaan  in la  furo  Ururadii Siyaasada  Doorashadii  way  Qabsoomaysaa Komishanka Doorashooyinka  majooratigii  ayaa  jooga laba  Xubnood  ayaa ka  maqan.kala  saarista  Ururada  Siyaasada waxa  qabanaya  Gudida Diwaangalinta  Ururada Siyaasada  iyo Ansixinta Axsaabta Qranka,”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay oo  yidhi“Waxay  dhinac  mareen  Xisbiyadda   Mucaaradku sidii  Jamaahiirta Somaliland    usoo  dhaweeyeen    furista  Ururada Siyaasada  ee  Madaxweynuhu  ku dhawaaqay in la furi doono oo  aan  lagu kala  hadhin  soo  dhawaynta   Ururada Bari   iyo  Galbeed  si  dhamaystiran  ayuu  shacabku  usoo  dhaweeyay,sidaa  daraadeed  may  qiimayn  Xisbiyadda  Mucaaradku   rabitaankii  Shacabka muddo  xileedadu  waxa  ay  u qaybsamaan  laba mid  Dastuuriya iyo  kuwo  Xeer  jideeyay  wixii Dastuuriya  waa  lama  Taabtaan Muddo   Xileedka  Madaxweynaha  Golaha  Guurtida iyo  Golaha  Wakiilada  ayaa  ka  mida   muddo  xileedkoodu waxa  ay ku Cayimantay  Dastuurka.wax  ka  badal kooduna  waxa ay  u  baahantahay  afti  dadweyne muddo  Xileedka  Xisbiyadda  xeer  14   ayaa  jideeyay  waxaanu    leeyahay  tobankii  sanno  marbaa  la furaya  Ururrada  Siyaasaddu   Dastuuri   maaha  oo  Madaxweynuhu  wax ka  bedel  ayuu  ku samayn  karaa.”

Xildhibaanka oo ka hadlayay siday u soo dhawaynayaan furista ururada siyaasadda,ayaa yidhi..”Waxaanu  diyaar u  nahay  in  aanu  furano  urur  oo  cid  soo  Sharaxno  Somaliland  abaal  ayaanu ku  leenahay   intaaba  waanu codaynay oo waanu  Taageeraynay,”.

Dhinaca kale Xildhbaan Bukhaari oo si adag uga jawaabay hadalkii labada guddoomiye xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID,ayaa wax laga xumaadu ku tilmaamay in labada guddoomiye xisbi mucaarid ee WADANI iyo UCID in aanay qiimayn bulshada isla markaana ay doonayaan oo keliya in ay haystaan xisbiyo iyaga u xidhan.

Waxaanu yidhi.“Bulshada Somaliland may  jeclaysan hadalkoodii   Guddoomiyeyaasha  Xisbiyadda Mucaaradka  ee Waddani  iyo UCID   waxay  u jeclaysan  wayeen  qaabka  ay u dhigeen bulshadu  waxay  soo dhawaysay soo  jeedintii  Madaxweynaha  ee  ahayd  mar  hadii  Xisbiyadii  Mucaaradku  ku  guuldaraysteen  wadadii  loo  mari  lahaa qabashada   Doorashada kala  shaqayn waayeen Xukuumadda    in  loo  baahanyahay  in la  furo Ururadii Siyaasada,waxaanay yidhaahdeen  Cashuurta  yaan la bixin waxaanay  aflagaado  ku samayeen  Madaxweynaha waxay  doonaan  ayaanay  ku  hadleen  oo cadho  ka  muuqato,waxaanay ka baydheen  Sharcigii  waxaana  muuqata  in  aanay  jirin    meel  ay  u dhaqaaqaan  Xisbiyadda  Mucaaradku.waana  in ay  u dhaqamaan  sidii  dad  masuuliyiina  Madaxweynaha  ayaa na  dhagaysan  waayay waxa  ay ku rabaan  inay  kursiga  ku qabsadaan iskuma  arkaan  niman  dhacay  waa  xisbiyo  Mucaarad ah ha sugaan  wakhtiga ay  helaan,wuxuu  doonayaa  faysal  Cali  Waraabe   inta uu  dibedda  ku  soo caayo Madaxweynaha  marka  uu    Xafiiska  Madaxtooyadda   ugu  yimaadana   inuu ku  caayo  waana meel  ka  dhac  Qaranimada  ayaanay  ceeb ku tahay,”.

 

 

Leave a Reply