Rabshadaha Ka Socda Dalka Hindia Oo Kor U Kacay Iyo In Ka Badan 21 Ruux Oo Ku Geeriyooday.

0
654

New Dalhi (Dawan)- Dalka Hindiya Waxa sare u sii kacaaya Rabshadaha la xidhiidha kacdoon diimeedkii ugu xumaa mudo Toban sano ah iyada oo ay sii kordhayaan dadka ku dhimanaya rabshadahaas xili in ka badan 21ruux ay dhinteen booliiska Hindiya ayaa lagu eedeeyay in ay kor ka daawanayaan boobka lagu haayo Muslimiinta dalka Hindiya. Badhasaabka Caasimada India ee new Dalhi ayaa codsaday in milatariga dalkaa la geeyo qaybo badan oo ka mida magaaladaasi oo ay ka socdaan rabshadihii ugu xumaa abid soo mara hindiya, adhfinkajarawaal ayaa intaa ku daray in bandoo lagu soo rogi doono gaabha ay rabshaduhu ka socdaan. Tukaamo iyo goobo kale oo ganacsi ayaa sheegay in dab la qabadsiiyay iyada oo Talaadadii dab la qabadsiiyay,Masjid ay ku cibaadaysaneeyeen Muslimiinta Hindiya,.

Leave a Reply