Shir Ku Saabsan Shuruucda Macdan Qodista Dalka Oo Hargaysa Ka Furmay

0
558

 

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay shir ay wada yeesheen xukuumadda iyo shirkadaha ka shaqeeya hawlaha macdan-qodista ka shaqeeya.

Shirkan oo u jeedadiisu tahay dar-dar gelinta iyo isku duba ridka arrimaha la xidhiidha macdanta oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Iyadoo shirkaasi lagu falan qeeyay fahamka guud ee shuruucda iyo xeerarka dawladda Somaliland u dejisan ee la xidhiidha arrimaha macdan-qodista iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dhulka hoostiisa.

Waxaana shirkaasi si rasmiya u furay wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo agaasime-waxeedyadda.

Sidoo kale waxaa shirkaasi joogay masuuliyiin  ka socday shirkadaha ka shaqeeya arrimaha macdanta ee ka hawl-gala dalka Somaliland.

 

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply