“Waxay weerar ku soo qaadeen Guddoomiyaha gobolka Badhan oo Laasqoray Safar shaqo ku joogay,waxaanay dhirbaaxo kulul kala kulmeen ciidanka qaranka.”
“Dadku way ogyihiin horumarka Somaliland ka waddo deegaankaas nabad ayaanay doonayaan qolada Puntland na waa baadhasho tag xukuumadduna way difaacaysa dhulkeeda.” Waiir Sahal Waraysi gaar ah
Hargaysa(Dawan):-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaal dhex maray Ciidank Somaliland iyo Maleeshiyo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo kazoo duulay Boosaaso isla markaana weerar ku soo qaaday degmada Laasqoray ee gobolka Badhan.
Maleeshiyada kasoo duushay Puntland,ayaa weerar kusoo qaaday magaalada Laasqoray xilli uu safar shaqo ku joogay degmada Laasqoray Guddoomiyaha Gobolka Badhan Maxamuud Xaamud Cumar
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac oo oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa sheegay in maleeshiyada Puntland ay doonayaan in ay dadka nabad gelyada iyo horumarka hadda ka hirgalay gobolka Badhan in ay ka khalkhal geliyaan isla markaana ay yihiin kuwo diiddan in gobolka Badhan uu ka hirgalo wax horumar ah.
Waxaanu intaa ku daray in Xukuumadda Somaliland iyo shcbiga gobolka Badhan in ay ku wada baraarugsan yihiin in Maamul Goboleedka Puntland labada wax ee uu u socdaa in ay yihiin dhul ballaadhsi iyo dhul boob ay ku doonayaan n ay khayraadka gobolka ku dhacaan,taas oo uu iftiimiyay in ay xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in ay dadkeeda iyo dalkeedaba ay ka difaacdo cid kasta oo cadaw ku ah qaranka Somaliland ama duullaan ku soo qaada.
Wasiir ku xigeenka oo ka hadlayay ugu horrayn siday wax u dhaceen ayaa yidhi “Guddoomiyaha Goblka Badhan ayaa waxa uu safar shaqo u tegay Degmada Laasqoray ka bacdi waxaa dhanka Puntland weerar kazoo qaaday koox maleeshiyo ah oo ka soo duulay dhanka magaalada Boosaaso,laakiin waxaa markiiba tallaabo ka qaaday ciidanka qaranka Somaliland iyo ciidankii la socday Guddoomiyaha gobolka Badhan oo intuu soo gaadhayay ciidanka qaranku iska difaacay.”
Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay.
“Maamul goboleedka Puntland in badan ayay dalka Somaliland ku hayeen faro galin oo ay ku soo xad gudbayeen ,taas oo aanu in badan ka indho qarsanaynay Nabedgalyadu dadka oo dhan ayay dan u tahay Puntland in aanu nabad ku wada noolaano ayaa Wanaagsanad.laakiin way garan waayeen waxaana ka Masuul ka noqonaya waxa halkaa ka dhacay ciddii la tamid Daandaansiga qaawan ee is daba jooga ah oo aan mar ahayn oo laba ahayn oo aan saddex ahayn,dulqaad badan ayaanu ka muujinay anaga oo eegayna Deegaanka Duruufihiisa.”
Wasiir ku xigeenka oo ka hadlayay weerarkaas iyo qasaaraha ka dhashay,ayaa yidhi. “nin aya dhankooda ka dhintay dhanka Somaliland wax qasaare ah oo na soo gaadhay ma jirto.”
Waxanu intaa ku daray in bulshada deegaanka iyo xukuumaddu ka midaysan yihiin in dalka laga difaaco duulaan kasta oo kaga yimaada cid kasta oo dadka iyo dalka cadaw ku ah,waxaanu yidhi. “Xukuumadda Somaliland mashaariic kala duwan oo hurumarineed ayay ka wadaa gobolka Badhan, imikana waxaa laga fuliyay sadex mashruuc oo waawayn oo ay ka mid yihiin caafimaadka,waxbarasha iyo biyaha waxaanu hadda dayactirnay oo dhammaatay wadada isku xidha Laasqoray iyo Badhan,dadka deegaankuna way ogyihiin in Somaliland ay deegaanka ka wado horumar iyo nolol isla markaana way ogyihiin in MaamulkaPuntland uu u socdo laba qodob oo kala ah dhul ballaadhsi iyo in ay khayraadka dhulka boobaan taana ka yeeli mayno oo xukuumadda ayaa ka mausuul ah dalka iyo dadka cid kasta oo cadaw ku ahna waan ka difaacaynaa,imikana maleeshiadii weerarka soo qaaday ciidanka qarankaayaa tallaabo ka qaaday waxaanay fursadkii ku tageen Boosaaso waxaanan ugadigaynaa Maamulka Puntland in ay mar dambe Somaliland xuduudkeeda ku soo xad gudbaan.”