Dowladda Sucuudiga Oo Ku Dhawaaqday In Ay Joojisay Dadkii Cumrada U Tagayay

0
1016

Riyaad (Dawan)- Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa Ku dhawaaqday in ay hakisay dadka Muslimiinta ah ee Cumrada u tagayay Magaalooyinka barakeysan ee Sucuudiga oo dad badan ay isku diyaarinayeen in ay so cumreystaan.

Sucuudiga Wasaaradda u qaabilsan arrimaha Xajka iyo Cumrada ayaa Ku sheegtay in si KMG ah iyada oo cabsi iyo wel-wel weyn ka qabta xanuunka halista ah ee Coronavirus kaas oo kusii faafaya dalal badan oo caalamka ah.

Cudurka Coronavirus oo markiisii hore ka dilaacay Shiinaha waxa uu gaaray dalal badan oo dunida ah waxaana weli laga cabsi qaba in uu sii gaaro dalal kale ooh or leh,waxaana lagu howlanyahay ka hortagiisa.

Go’aan hore oo ay soo saartay dowladda Sucuudiga ayaa in ay mamnuucday dadka gelaya Iiraan oo fara ba’an uu ku hayo cudurkaa,inta la xaqiijiyayna 19- ayaa u dhimatay 200 oo kale ayaan la il daran.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply