Sucuudiga oo Dadka Ajaanibka ah ka joojiyey Cumrada

0
555

Dowladda SUcuudi Carabiya ayaa dadka ajaanibta ah ka joojisay Cumrada Xajka, xilli uu aad u faafayo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus oo kasoo bilowday dalka Shiinaha, haatana dad badan ku soo ritay dalalka Bariga dhexe.

arrintan ayaa saameyn doonta Malaayiin Muslimiin ah oo sanadka Cumro u tega magaalada barakaysan ee Maka, waxaana ay tirada dadka Cumrada tagaa aad sare ugu kacdaa xilliyada uu soo dhaw yahay Ramadaanka.

Xayiraadda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muddo ka yar 60 maalmood ay ka hadhay xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dowladda Sacuudigu ma ay sheegin in xayiraadda ay saameyn doonto Xajka sanadkan oo ku beegan bisha July, hase ahaatee waxa iminka ay joojisay cumrada.
Ma jiro qof qaba cudurka Corona oo ilaa hadda lagu arkay dalkaasi Sacuudiga, hase yeeshee dowladda ayaa joojisay dhammaan ajaanibta uga imanaya dalalka lagu arkay Corona.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay mid si kumeel-gaadh ah loo dhaqangelinayo, balse ma aanay sheegin inta uu socon doono.
Inta badan kiisaska cudurkaasi ee lagu arkay dalalka Cumaan, Kuweyt iyo Baxrayn ayaa la rumaysan yahay inay yihiin dad siyaari diimeed uga soo laabtay dalka Iiraan.

Xayiraadda Cumrada ayaa culays dheeraad ah saari doonto dhaqaalaha Sacuudiga, maadaama uu hoos u dhacay qiimaha shidaalka cudurka Corona awgii.

Sacuudiga ayaa ah dalka shidaalka ugu badan u dhoofiya waddanka Shiinaha ee uu cudurka sida xun u saameeyay.

Leave a Reply