Turkiga Oo Weerar Culus Mar Kale Ku Daaday Ciidamada Dawlada Syria.

0
667

Idlib (Dawan)- Dawladda Turkiga ayaa mar kale hawl gal ka fulisay gudaha suuriya iyada oo weerar la sii qorsheeyay ku qaaday ciidamada militeriga Syria, ee daacadda u ah madaxweyne Bashaar Al-Asad, weerarkan ayaa khasaare wayn  gaarsiiyay ciidamada asad sida ay sheegtay wasaaradda gaashaan dhigga Turkiga.

Wasaaradda gaashaandhigga dawlada Turkiga ayaa sheegtay inay weerareen in ka badan 82 xarumood oo ciidamada militeriga Syria ay ku leeyihiin lahaayeen Waqooyiga dalkaasi Syria gaar ahaan gobolka Idlib.

Leave a Reply