366 Ruux Oo U Dhintay Cudurka Coronavirus Gudaha Dalka Talyaaniga, Goobihii Waxbarashada Sacuudiga Oo La Xidhay Iyo Iiraan Oo Ay Isla Cudurkan U Geeriyoodeen 49 Qof Saacadihii La Soo Dhaafay

0
411

Talyaaniga (Dawan)- Tirada dhimashada ee cudurka coronavirus ee ka dillaacday Talyaaniga ayaa sii kordhaysa iyada oo la xaqiijiyey dhimashada 133 ruux 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo guud ahaan noqotay 366.

Taliyaha guud ee ciidammada Talyaaniga, Salvatore Farina ayaa kamid noqday dadka uu ku dhacay caabuqa Corona kaddib markii uu cudurkaas ku baahay Talyaaniga.

Salvatore Farin wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaasna uu is karantiilay.

Gobolka Lombardy ayaa ka mida meelaha uu aadka ugu baahay xanuunkani dawlada talyaaniga ayaa go,doomisay Gobolkan iyo 14 Gobol oo kala dhamaan meelaha la karintiimeeyey Ayaan cidina galayn cidna ka baxayn.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo waddanku la tacaalaayo xakameynta faafitaanka fayraska, waxana 1,247 xaaladood oo cusub la helay 24-kii saac ee la soo dhaafay – 25 boqolkiiba ayaa kor u kacday. Ilaa shalay oo Axad ahayd.

Dhinaca kale dalka Sucuudiga, mas’uuliyiinta ayaa xidhay gobolka bari ee Qatif si ay u xakameeyaan fayraska sida dhakhsaha u faafa.

Xukuumada Riyadh ayaa sidoo kale sheegtay inay Xidhay dhammaan Goobaha Waxbarashada sida  iskuulada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo jaamacadaha dalka oo dhan laga bilaabo Isniinta maanta kuwaas oo xidhnaan doona ilaa amar dambe.

Sidoo kale Axadii, Iiraan waxay soo sheegtey 49 dhimasho oo cusub oo coronavirus ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo tirade dhimashada Coronavirus ee dalka Iiraan ka dhigaysa 194.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply