Chief Caaqil Cusub Oo Lagu Caleema Saaray Degmadda Cadaadley

0
519

Cadaadley (Dawan): Caaqil cusub oo ku soo kordhay cuqaasha Somaliland ayaa maanta lagu caleemo saaray degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodijee.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay  Caleema saarka Chief Caaqil Cabdi Iimaan Sheekh Muxumed Daahir, ayaa ka qabsoontay xarunta degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex.

Xafladda caleemo saarka caaqilka oo si weyn loo soo agaasimay  ayaa  ahayd madal kulmisay badi hal-doorka, madax-dhaqameedka, salaadiinta, siyaasiyiinta iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda Somaliland.

Masuuliyiinta iyo madax dhaqameedkii xafladaasi hadaladda ka jeediyay ayaa dhamaantoodba ALLE SWT uga baryay caaqilka in uu xilka ku asturo.

Halkan Hoose Ka Daawo Qaabkii ay U Qabsoontay Munaasibadaasi:

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply