Shirkii Maayarrada Somaliland Oo Burco Lagu Soo Gebagabeeyay

0
493

Burco (Dawan): Shirkii guddiga sare ee maayarrada Somaliland oo  muddo  saddex maalmood ah ka socday  magaaladda Burco ayaa maanta la soo gabegabeeyay.

Waxaana shirkaasi soo xidhay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Maxamuud Gurey.

Tababarkaasi ayaa lagaga hadlay mudadii uu socday horumarinta dawladaha hoose ee jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana tababarkaasi ka soo qayb galay maayarrada tobanka degmo ee ah degmooyinka golaha sare   ee dawladaha hoose ee Somaliland.

Iyadoo uu soo qaban qaabiyay ururka ay ku midaysan yihiin Agaasimaha ururka ay ku midaysan yihiin guddiga saree e dawladaha hoose ee Somaliland oo loo soo gaabiyo ALGASAL.

Waxaana tababarkaasi maalgeliyay ururka dawladaha hoose ee dalka Netherland ee loo soo gaabiyo VNG. Iyadoo ay casharadda bixinayeen macalimiin ka socday ururka VNG.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Maxamuud Gurey, oo shirkaasi maayarrada soo xidhay ayaa u mahad celiyay hogaanka sare  ee ururka maayarrada Somaliland iyo ururka VNG ee tababarka soo qaban qaabiyay.

Waxaanu yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxaan mahad naq u jeedinayaa guddiga maayarrada ee shirkan ka qayb galay, ururka soo qaban qaabiyay ee ALGASAL iyo ururka kale ee taageerayay ee VNG ee taageerayayba”.

Sidoo kale agaasimaha ururka ay ku midaysan yihiin guddiga saree e dawladaha hoose ee Somaliland oo loo soo gaabiyo ALGASAL Khaalid Cabdi Xirsi,  oo isna halkaas ka hadlaya ayaa ka warbixiyay u jeedadda tababarkaasi.

“Tababarkani oo ku saabsanaa u doodista iyo u ol’olaynta horumarinta dawladaha hoose ee Somaliland. Tababarkan waxaa soo qaban qaabiyay ururka dawladaha hoose ee Somaliland ee ALGASAL, iyagoo taageerro ka helaya ururka dawladaha hoose ee Netherland.

Waxaana tababarkan ka soo qayb galay toban degmo oo ah degmooyinka golaha sare   ee dawladaha hoose ee Somaliland” ayuu yidhi Khaalid Cabdi Xirsi.

Geesta kale  Sarkaal ka socday ururka dawladaha hoose ee dalka Netherland ee  VNG, oo iyadna  halkaas ka hadashay ayaa tilmaantay in maayarrada Somaliland ay dhidibadda u adkeeyeen wada shaqayntoodda iyo iskaashigooddaba.

Waxaanay tidhi, “Horumarka wanaagsan ayaad samayseen. Waayo? Waxaad ka garanaysaa sida maayarradii ay maanta dhidibadda ugu adkeeyeen, wada shaqayntoodii, xoogoodii, iskaashigoodii.

Iyagoo kaashanaya wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland. Wax guul leh, oo midho-dhal leh, oo anba-qaad fiican yeelan doona, ayaa halkan nooga soo baxay”.

Maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid, oo isna xidhitaanka shirkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tababarkaasi.

“Waxaan aa dugu mahad celinayaa xubnaha ka socday VNG ee tababarka bixinayay, ee macalimiinta ahaa.

Sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta hogaanta sare   ee ururka dawladaha hoose”ayuu yidhi C/raxmaan Soltelco.

 

Dhinaca kale waxaa xidhitaanka shirkaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Togdheer Xasme Cabdi Maxamed, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply