Somaliland: Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Wasiiro iyo Masuuliyiin Kale

0
490

Hargaysa (Dawan): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xubno isugu jira wasiirro, wasir ku-xigeeno iyo masuuliyiin kale oo uu dhawaan madaxweyne Biixi soo magacaabay.

Fadhiga maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxaa ka soo xaadiray 47 mudane oo ka mida 82 xildhibaan ee goahaasi ka kooban yahay.

Xoghayaha golaha Wakiiladda ayaa xildhibaanadda ka hor akhriyay digreetadii madaxweynuhu ku soo magacaabay masuuliyiintani, taariikhdoodda waxbarasho iyo waayo-aragnimadoodda shaqo.

Intaas kadib ayaa xildhibaanadu waxay mid mid cod gacan taaga ugu codeeyeen masuuliyiintan dhawaan uu madaxweynuhu soo magacaabay.

Xubnaha maanta codka ansixinta loo qaaday waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, wasiirka waxbarashadda Axmed Maxamed Diiriye (Axmed-toorno).

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Mustafe Maxamed Cali, wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Muuse Ibraahim Yuusuf.

Waxa kaloo masuuliyiinta maanta golaha Wakiiladu ansixiyay ka mid ahaa xubnaha guddiga agaasinaka sare ee baanka dhexe ee jamhuuriyadda.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in wasiirka codka gacan taaga ah ku ogolaaday  dhamaanba xubnihii fadhiga joogay oo ahaa 47 xildhibaan.

Iyadoo aanay cid diiday jirin, cidna kama aamusin, halka guddoomiyuhuna aanu codaynin.

Dhamaanba wasiirradii iyo masuuliyiintii kale ayaa sidaas si lamid waxay xildhibaanadu ugu codeeyeen cod isku mida.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply