“Ma jirto hadiyad ka qiimo badan in qofka qarankiisu qiimeeyo”… xildhibaan Bidhi

0
520

Burco (Dawan): Ururka magaciisa la yidhaahdo qiimee qofkaaga oo ah urur ay ku bahoobeen dhalinyarro reer Togdheer ah ayaa abaal-marino guddoonsiiyay 35 xubnood ka mida masuuliyiinta dedaalka muujiyay ee gobolkaasi.

Abaal-marintan oo ay ururkan qiimee qofkaaga qabteen sanadkii labaad ah waxay xubnahaasi ku soo xuleen in ay waxqabad iyo hawl-karnimo u muujiyeen hawlaha shaqo ee  bulshadoodda u hayaan.

Shaqsiyaadkii shahaadooyinka lagu abaal-mariyay waxaa ka mid ahaa taliyaha qaybta booliska Togdheer, maayarka Burco, xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco iyo masuuliyiin kale.

Munaasibad balaadhan oo lagu maamuusayay masuuliyiintaasi oo Burco lagu qabtay waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin, xildhibaano, aqoon yahano, iyo hogaanka ururka Qiimee qofkaaga.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanu jirin wax ka wanaagsan in dadkaagu ku qiimyeen.

Isagoona uga mahad celiyay dhalinyaradda barnaamijkaasi soo abaabulay sida wanaagsan ee ay u qiimeeyeen masuuliyiinta ay soo xuleen.

Waxaanu yidhi, “Wax ka qiimo badani ma jiraan, hadiyad ka qiimo badanina ma jirto, in qofka qarankiisu qiimeeyo.

Waxaan bogaadinayaa dhamaanba dadka la abaal-mariyay, ee lagu soo xulay waxqabadkoodda iyo waxay u qabteen ummadoodda. Iyagoo shaqaqoodii caadiga ahayd gudanayay.

Waxaan si gaara u bogaadinayaa taliyaha qaybta booliska Togdheer iyo maayarka Burco, iyo maayarka Burco, oo aan ku faraxsanahay in halkan abaal-marin lagu guddoonsiiyo”.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in abaal-marintan oo noqonaysa markii labaad ee la gudoonsiiyo uu u arko mid loola jeedo si uu u sii kordhiyo hawlaha uu bulshadiisa u hayo.

“Waxaanay ii noqonaysa shiidaal aan ku dhaqaaqo si an shacabkayga ugu adeego.Waxan hambalyeynayaa dhallinyarada reer Togdheer ee Qiime Qofkaaga oo gudoomiye u yahay Kamal ee gartay inay dhiirigaliyaan oo maamusan shaqsiyadka u adeega bulshadooda.

Mar labad waxan u boogadinayna una hambalyaynayna Kamal oo nin dhalinyara oo ah maskaxda ka danbaysay barnaamijka qiime qofkàaga”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa si weyn u amaanay taliska booliska Togdheer oo uu sheegay in ay si masuuliyadi ku dheehan tahay uga shaqeeyeen intii uu socday tartanka ciyaaraha kooxaha gobolka Togdheer.

Dhinaca kale xildhibaan Bidhi, waxa uu ka sheekeeyay mashaariicda horumarineed ee ay ka dawlad hoose ahaan ka fuliyeen magaaladda Burco, kuwaasoo uu ka mid yahay barnaamijka dhiraynta iyo kor u qaadista bilicda magaaladda.

Waxaanu xildhibaanku  ugu baaqay bulshadda magaaladda Burco in ay kala shaqeeyaan kor u qaadista bilicda magaaladda, isla markaana ay dawladda hoose ka gacan siiyaan barnaamijyadda dhiraynta.

Waxaanu yidhi, “Bulshadda gobolka waxaan ka codsanaynaa in aad nala shaqaysaan, ka gole deegaan ahaan bilicda magaaladda.

Dhir ayaanu ku beeraynaa magaaladda, oo waanu qurxinaynaa magaaladda,  maalin walba baabuur ayaa jiidha, oo dhibaateeya.

In aad nala shaqaysaan ayaanu idinka codsanaynaa. Anaguna waxaanu idiin balan qaadaynaa, oo maayarkayagu nagu hogaaminayo, in aanu wixii nalo doortay  iyo wax badan ba in aanu qabano”.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply