Golaha Wakiillada Somaliland Oo Loo qaybiyey xeerka kufsiga iyo Sinada

0
894

Hargeysa (Dawan):- Fadhigii maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md Baashe Maxamed faarax ayaa xildhibaanada golahaasi waxay dood ka yeesheen xeerka xufsiga ,sinada iyo xadgudubyada la xidhiidha ,iyagoo mudanayaashii dooda maanta ka qaybqaadanayey ay ka mid ahaayeen Xil Ibraahim Mahdi Buubaa , xil Xaamud Cismaan Cigaal iyo Maxamed faarax Qablie xildhibaanadaasi oo isku aragti dhawaa waxay talo ahaan ku soo jeedinaayeen in qodobada ka hor imanaya Diinteena suuban ee Islaamka ee ku jira xeerkaasi gabi ahaanba laga saaro, halka xildhibaanada qaarkodna soo jeedinaayeen in lifaaqan horyaala iyo xeerkii hore ay u meelmariyeen la isku eego oo ay isbarbar dhig ku sameeyaan.

gabogabadii fadhigaasina Gudoomiye  Baashe Maxamed faarax ayaa xildhibaanada golahaasi ku wargaliyey in ay guddi soo naaqishta xeerkaasi loo saari doono

Dhinaca kalena fadhigii maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoominayaha golahaasi Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayasaha golahaasi waxaa loo qaybiyey xeerka Doorashooyinka Golaha wakiilada Somaliland xr-20,iyadoo shirgudoonka golahaasi ay mudanayaasha ka dalbanayeen in xeerkaasi doorsahada golaha wakiilada somaliland soo akhriyaan kana soo baran dagaan.

Leave a Reply