Aabo isaga oo Ilmanaya ka Soo Baxay Aqalka Baarlamaanka Somaliland

0
839

Hargeysa (Dawan) Aabo Cali Cabdi Cumar, waa aabo heysta sagaal carruura, waxaa uu degan yahay xaafadda Sheekh Cumar ee duleedka magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay degan yihiin dadkii danyarta ahaa ee laga raray gudaha magaalada Hargeysa.

Aabahani isaga oo wata carruurtiisa waxaa uu saka cabasho ka dhan ah duqa caasimada la tagay xarunta aqalka baarlamaanka, balse kamay aqbalin mudanayaashi uu cabashadaasi ula tagay waana laga soo saaray xarunta baarlamaanka.

Cabashadiisa ayaa la xidhiidha laba sac oo uu lahaa, oo maayirka caasimadu ku xidhay xero xoolaha lagu urruriyo oo ku taala maxkamada agteeda, taasi oo uu tilmaamay in labadii sac midna uu meesha ku dhalay midna uu Makaanka ama Ilmagaleenku ka soo dhacay waa sida uu hadalka u dhige.

Aabahan heysta 9 carruura ayaa wax aduunana heystay 2 sac oo ay ka xareysay dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Aabo Cali Cabdi Cumar isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Laba Sac ayuu maayirku iga xareeyay, taasi oo aheyd maalintii uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ka soo laabtay dalka aynu jaarka nahaya ee Itoobiya, waaan u tagey maayir ku xigeenka waxaa uu igu yidhi ‘waxaan la soo shiraya golaha’ wuuu ka soo noqday, marku ka soo noqdaybu yidhi u taga agaasimaha, agaasimaha markii aan u tageybu yidhi waxba leyma sheegin, waan ku noqday dhawr cisho danbe, bil sodonkeed ayaan ku noq-noqonayay maalintii lo’dii fadhfadhiisatay ayay igu yidhaaheen gaadhi u yeedho oo kaxeyso, lo’dii oo fadhfadhida, ‘waxan ku idhi anigu bakhtigan qaadan maayo’, Sici habbeen hore ayuu ku dhex dhalay xero Boontan maxkamadda agteeda, makaankii ayaa ka soo dhacay imikana waan idin soo tusi karra isaga oo makaankii ka soo dhacay oo uu dabo yaallo, xalay ayay igu yidhaaheen gaadhi saaro ma qaadanayo ayaan ku idhi anigu bakhtigan, carruurtii wey iga bakhtiyeysaa waataa”

Sawirka Aabo Cali Cabdi Cumar, oo isaga oo ilmaynaya ka soo baxay xarunta baarlamaanka Somaliland, xuquuqda sawirka Boqore Axmed Cabdi

Halkan ka Daawo

Leave a Reply