Burco — Kaalin Shiidaal oo Dab Qabsaday

0
570

Burco (Dawan) Kaalin shidaal oo ku taala gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa dab qabsadday.

Mar kaliya ayaa bulshadu waxaa ay ku war heshay uuro iyo qiiq cirka isku shareeray, waxaana bilaabantay gurmadka loogu jiro bakhtiintiisa.
Dabka qabsaday kaalinta ayaa bulshada magalada Burco iyo shakaalaha kaalintani ay ku dadaalayaan bakhtiinteeda, ilaa hada dabku wuu socda.

Ilaa hada lama oga sababta dhalisay dabkan qabsaday kaalintan shidaal, ee aan ilaa hada lagu guuleysan bakhtiinta dabkii ka kacay, sidoo kalena weli lama hayo khasaaraha dhabta ah.

Wixii warar ah ee soo kordha waa baahinteena danbe

Sawirka kaalinta Burco ee dabku qabsaday, xuquuqda sawirka wariye madax banaan Mahad Cali Goodir
Sawirka kaalinta Burco ee dabku qabsaday, xuquuqda sawirka wariye madax banaan Mahad Cali Goodir

Xuquuqda sawirka Mahad Cali Goodir

khadarhoryaal@gmail.com

Leave a Reply