Madaxweyne Trump Oo Laga Waayay Cudurka Coronavirus

0
708

Waashitoon (Dawan)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga waayay cudurka Coronavirus ka dib markii laga baaray cudurkaasi, sida uu sheegay dhakhtarkiisa ka hawlgala madaxtooyada Mareykanka.

“Galabta waxaa isoo gaaray war xaqiijinaya in cudurkaasi laga waayay madaxweynaha,” ayuu xalay warbixin qoraal ah ku yiri Sean Conley.

Madaxweyne Trump ayaa cudurkaasi laga baaray ka dib markii xubno ka tirsanaa wafuud ka socotay dalka Brazil oo dhammaadkii usbuucii hore uu Flodrida kula kulmay laga helay cudurkaasi.

Fabio Wajngarten oo ka mid ah gacanyareyaasha madaxweynaha dalka Brazil ayaa ka mid ah dadka laga helay cudurkaasi.

“Usbuuc ka dib markii madaxweynuhu uu la casheeyay wafuud ka socotay dalka Brazil ayaa haatan waxaa caddaatay in uusan qabin cudurkaasi,” ayuu yiri Conley.

Madaxweyne Trump oo da’diisu tahay 73 sano jir ayaanan is-karantiilin shirkaasi ka dib, waxa uuna ku doodayay in uusan qabin astaamaha cudurkaasi.

Balse ka dib markii su’aalo badan lagu weydiiyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa Trump waxa uu sheegay in uu cudurkaasi iska soo baarayo.

Dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad, Sean Conley, ayaa sheegay in Jimcihii baaritaan lagu sameeyay madaxweynaha, natiijadii baaritaankaasina la helay shalay oo Sabti ahayd, taa oo muujisay in madaxweynuhu uusan qabin cudurkaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa shacabkeeda kula talisay in qofkii la kulmay ama taabtay qof la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus ay tahay in 14 maalmood uu is-karantiilo.

Ilaa haatan in kabadan 2,700 oo qof ayaa la xaqiijiyay in dalkasi uu ku soo ritay cudurkani, halka 54 qof ay u dhinteen.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxa uuna la dagaalanka cudurkani u qoondeeyay 50 bilyan oo doollar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply