Dawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Bulshadda Ka Wacyigelisay Xanuunka Coronavirus

0
522

Laascaanood (Dawan): Iyadoo laga duulayo qorshaha guud ee qaranka Somaliland ee ka hor taga xanuunka Coronavirus, ayaa dawladda hoose ee degmadda Laascaanood waxay bilawday ol’ole lagaga gaashaamanayo xanuunka Coronavirus.

Waxaanay bulshadda ku dhaqan magaaladda Laascaanood gaar ahaan meheradaha cuntadda laga cunno iyo goobaha laga dukaamaysto u qaybiyeen waxyaabo kor loogu qaadayo nadaafadda.

Sida uu noo sheegay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, waxyaabahaasi ay meheradaha u qaybiyeen ayaa isugu jiray Qasabadaha Fara lagu dhaqo oo ay meheradaha siiyeen kuwo cusub oo la mariyay daawo ka ilaalinaysa Bagteeriyadda iyo xanuun dhaliyaha.

Sidoo kale maamulka dawladda hoose ee Laascaanood waxay meheradaha cuntadda laga cuno iyo goobaha kale ee ganacsiga u qaybiyeen waxyaabaha Gacmaha lagu maydho, sida Taydha ama Oomadda, Shaanbooyadda iyo Saabuunta gacmaha lagu dhaqdo.

C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa ku tilmaamay u jeedadda ay ka leeyihiin qaybinta Saabuunta iyo nadaafadda kor loogu qaadayo sidii bulshadda loogu baraarujin lahaa in ay ka feejignaadaan

Geesta kale maayarka Laascaanood waxa uu sheegay in ay suuqyadda magaaladda gaar ahaana meelaha bar-kulanka ah ee bulshadu isugu timaado ku xidheen Boodhadh ay ku qoran yihiin farimo wacyigelineed.

Faraamihaasi oo dadka loogu sheegayo in ay ka taxadaraan waxyaabaha keeni kara ama fududayn kara xanuunadda gaar ahaana xanuunka Coronavirus oo wadamo badan oo caalamka ah dad fara badani ay ugu geeriyoodeen.

Dhinaca kale masuuliyiinta degmadda Laascaanood iyo maamulka gobolka ayaa kormeer ay ku qiimaynayeen qiimaha maciishadda la quuto waxay ku soo mareen goobaha gancsiga magaaladda ee Bakhaarrada iyo Dukaamadda kala duwan.

Waxaanay dawladda hoose waraaqo u qaybiyeen ganacsatadda Bakhaarrada iyo Dukaamadda ee iibiya noocyadda kala duwan ee maciishadda daruuriga ah. Waraaqahaasi oo ganacsatadda loogu sheegayo in aanay qaaliyayn maciishadda.

Waxaanay uga digeen ganascatadda iibiya raashinka qaybihiisa kala duwan in aanay kordhin Karin qiimaha raashinka iyo waxyaabaha kale, isla markaana aanay noqon dhiig-miirato.

Maadaama oo aanay jirin sabab loo kordhiyo qiimaha maciishadda raashinka dalka yaalaana uu weli aad u badan yahay.

 

 

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply