Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay welwel la soo dersay Shacabka

0
655

Saddex masuul oo talo iyo tilmaan u diray Ganacsatada iyo Shacabka..

Hargeysa(Dawan)Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha JSL ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin qiimaha maceeshada daruuriga ah, daawooyinka iyo Shidaalka, haddii ay si tuugo ah u dhacdana talaabo la qaadi doono.

Faafitaanka xawliga ku socda ee caabuqa Corona Virus, ayaa xanibaad geliyey dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ee caalamka, taasoo saameyn dhanka quutal-daruuriga ah ku yeellatay wadamada ku tiirsan baddeecadaha dibada looga soo dhoofiyo.

Jamaal Caydiid Ibraahim oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa tilmaamay in ay guud ahaan badeecadaha aasaasiga ahi dalka in ku filani taalo bulshada, sidoo kalena ay imanayaan badeecado kale oo dhexda ku soo jiraa.

Maalmihii u dambeeyey waxa jiray welwel bulshadu ka muujisay cunto yaraan soo foodsaarta dalka, waxaana kor u kacay tacmiirta suuqyada lagu iibiyo badeecadaha, taasoo cidhiidhi badan abuurtay, meelaha qaarkood loo malaynayo in ay ganacsatada wax tafaariiqaysaa ka faa’idaysteen.

Hase ahaatee, Guddoomiye Jamaal oo ay hareero fadhiyaan inta badan tijaarta soo dejisa Raashinka noocyadiisa, Daawooyinka iyo Shidaalka, ayaa shaaca ka qaaday in aan habayaratee waxba iska bedelin sicirka caadiga ah ee maceeshada, sida ay ku heshiiyeen Ganacsatada waaweyn, wuxuuna ka digay in suuqyo madow dadka lagu baadho oo lagu dalaco sicirka badeecadaha.

Halkan ka Daawo

Geesta kale, Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi oo kamida guddida qaran ee xakamaynta cudurka corona virus, ayaa ganacsatada ugu baaqay in aanay shacbiga ku qaaliyeyn maceeshada, taasoo haddii ay dhacdo uu ku tilmaamay xaaraan.

Wasiir Khaliil, ayaa buulshada ugu baaqay in ay warqadaha qaan-sheegta ka qaataan Dukaamada baddeecadaha Iibiya, si loo xaqiijiyo in isbedel ku yimi qiimaha laga siiyey, kaddibna la soo xidhiidhaan Guddida Dawladda oo doonaya in ay talaabo ka qaadaan.

Halkan ayaa daba socda qaraar uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha oo isna maanta shir jaraa’id ku sheegay in ay Dawladdu talaabo ka qaadayso ganacsatada horseedka u noqda Sicir-barar.

Wasiir Kaahin, ayaa Hay’addaha amniga iyo maamullada Gobolada iyo degmooyinka ku amray in ay talaabo ka qaadaan dukaamada iyo goobaha kale ee Ganacsi ee lagu qabto in ay kordhiyeen sicirkii ay siinayeen badeecadaha daruuriga ah.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa Isniintii todobaadkan Ganacsatada iyo shirkaddaha Iibiya Daawooyinka iyo qalabka caafimaadka ugu baaqay in aanay sicirka badeecadaha uga faa’idaysan baahiyaha caalamiga ah ee jira.

Madaxweynuhu waxa uu ku amaanay ganacsatada in ay yihiin dad naxariis iyo lexe-jeclo badan dalka u haya, isagoo xusay in aanu ka filayn in ay bulshada cuno-qabateeyaan.

Si kastaba ha ahaate, Dawladda Somaliland ayaa wada dedaal ay kula tacaalayso ka-hortaga cudurka Corona-virus oo kiisas lagu arkay wadamada Itoobiya, Kenya iyo Somaaliya, laakiinse ilaa iminka aan Somaliland hay’addaha caafimaadku la kulmin cid laga helay caalamaada cudurkaas.

Qore. Saleeban Cabdi Cali Kalshale

 

Leave a Reply