Somaliland: Wasaarad qaab cajiib ah u diyaarisay ka-hortaga Qaran ee caabuqa Covid19

0
690

Maxay muhiim u tahay in dadka oo dhami isu xilqaamaan xakameynta masiibada caabuqa Corona Virus…Daawo Muuqaal

Qore: Saleeban Cabdi Cali Kalshale

Hargeysa(Dawan)-Qof kasta oo gelaya xarunta Wasaaraddu waa in uu ku soo faro maydho Biyo iyo jeermis dileyaal lagu diyaariyey albaabka laga galo ganjeelka xafiisyada ku dayran, halkaasoo uu taagan yahay Askari lebiskiisa iyo agabkiisa ciidan u dhamaystiran yihiin oo gacmaha ku xidhan cinjirka gacmaha lagu daboolo ee ay xirfadleyaasha caafimaadku ku shaqeeyaan,kaasoo ay sidoo kale caawinayaan howl-wadeeno kale shaqaale ah

Askarigan ayaa marka ugu horaysa ee uu ku joojiyo kugu amraya ku maydho halkan gacmaha oo soo dhawoow, waxaana marka aad maydhista gacmaha dhamayso isla halkaas yaalla Bushqad caleenta la isku nadiifiyo kamida (Tissue) oo aad biyaha iskaga masaxayso.

Waa hubaal in aad markan isugu kalsoon tahay si ka duwan markii aad goobta soo joogsatay, intaasi wixii ka dambeeya waa su’aalo kale iyo wixii muraadkaaga ah.

hase yeeshee, marka aad xaalad noocan ah oo waliba amar ah kala kulanto xafiis dawladdeed ama goob kale oo aaddan muraad aad u madaxbanaantahay u nadiifinayn gacmahaaga iyo qaybaha kale ee jidhkaaga, waxa durba ku soo dhacaya maskaxdaada xakamaynta halis ku cusub deegaanka aad ku sugan tahay, deriskaaga ama dunida guudkeeda.

Habkan waxa u diyaarisay ka hortaga caabuqa Corona Virus-ka, Wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland oo maalmihii u dambeeyey ku howlanayd u-diyaar garowga xuska maalinta Biyaha Adduunka oo sanadkan caalamka oo dhan looga faa’idaysanayo nadaafada iyo Biyaha, hal-ku-dhigna looga dhigay “Biyaha iyo isbedelka cimilada”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Axmed Cabdi Ismaaciil, ayaa waraysi uu siiyey Telefishanka Qaranka maanta oo khamiis ah, waxa uu ku sheegay in ay wasaarad ahaan kaga qaybqaadanayaan dedaalka qaran ee lagaga hortagayo cudurka Corona virus Biyo iyo agab nadiifiyeyaal ah oo ay dhigayaan goobaha loogu talogalay Karantimaynta cudurkan, Cisbitaalada dawladda iyo goobaha kale ee isu imaatinka dadweynaha muhiimka u ah, taasoo ay uga gol-leeyihiin ilaalinta nadaafada bulshada.

Somaliland wali caabuqa COVID19 laguma arag kiis la xidhiidha iyo qof looga shakiyey toona, hase ahaatee waxa ay dawladdu qaaday talaabooyin badan oo lamida kuwa dalalka uu asiibay cudurku, waxaana kamida goobaha waxbarashada oo gabi ahaanba la fasaxay, kulamada dadweynaha oo la yareeyey iyo hakinta duulimaadyada dalalka adduunka qaar, sida Shiinaha.

Qofka Gacmaha maydhanayaa waa Tafaftiraha Wargeyska Dawan oo howlo shaqo u tegayey Wasaarad, waa talaabo uu ku khasban yahay muwaadin kastaa..

Talaabadan ay Wasaaradda biyuhu iclaamisayna waa arrin kale oo ahmiyaddeeda leh, marka loo eeggo cabsida jirta, waxaanay ugu yaraan badbaadin u tahay qof, laba ama in ka badan alle ha inaga badbaadiyo caabuqaas iyo cudur oo dhan’e.

“markii ay durufaheena dhaqaale iyo siyaasaddeed saamixi waayeen in aynu xidhno xuduudaha, Wasaaraddu waxay soo saartay oo ay bulshada Somaliland ku wargelinaysaa in meelihii guddida qaran ee xakameynta cudurku asteeyeen in dadka lagu baadho aanu geynayno biyo, agab iyo shay kasta oo jeermis-dile ah”.ayuu yidhi Agaasimaha guud.

Xabsiyada dalka iyo cisbitaalada ayuu sheegay in ay iyagana dhigayaan “waxa kale oo soo raacaya meelaha looga maarmi waayey isku imaatinka dadka, xabsiyada, Cisbitaalada. waxa kale oo qorshaha noogu jirta in meelaha dadka barakacayaasha ahi ku nool yihiin iyagana wax loo diyaariyo”.

Arrintani kuma jirin qorsheyaasha ay Guddida qaranka ee ka hortaga Covid19 ku dhawaaqeen in lagula dagaalamayo cudurkaas, balse waxa ay noqonaysaa talaabo labaad oo barbar soconaysa amma howl-wadaag ka dhigaysa shaybaadhka la dhigay deegaamada xuduuddaha ku teedsan ee dalka laga soo galo oo aan waliba sidii hore u ahayn jaantaa rogan ee la xadiday waddooyinka laga soo gudbayo, si ay dhamaan soo galeetigu u maraan nidaamka hubinta iyo shaybaadhka caabuqa Covid19.

“Biyuhu waa nimco ilaahay SWT ina siiyey waxa loo baahan yahay in si wanaagsan loo isticmaalo. sidoo kale aynu u isticmaalno cudurkan la leeyahay adduunyada ayuu jooggaa nadaafada iyo biyaha oo aynu ku dedaalno”ayuu ku talo-bixiyey Agaasime Axmed Cabdi.

Halkan ka Daaw Muuqaal Waraysiga Agaasimaha guud:

Wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta Dawladda iyo ta madaxbanaan oo booqday dhowr xarumood dawli ah iyo ruggo ganacsi oo waaweyn, ayaa ogaaday in aan wali aad loogu dhaqaaqin qorsheyaal sida Wasaaraddan oo kale lagaga qayb-qaadanayo ka-hortaga cudurkan, waase arrin muhiima oo loo baahan yahay in aad loogu dedaallo, iyadoo ay mar walba daruuri tahay ilaalinta fayo-dhowrka iyo nadaafaddu.

 

Leave a Reply