Hargaysa: Ururka Dhaqaaleyahanadda Somaliland Oo Lagu Dhawaaqay

0
467

Hargaysa (Dawan): Ururka dhaqaaleyahanadda Somaliland oo muddo dhawr sanadood ah aan shaqaynin ayaa la shaaciyay in uu dib u bilaabayo hawlihiisa shaqo.

Ururkaasi oo hore u jiray balse aan sidii la rabay  u taabo-gelin una shaqaynin ayaa la sheegay in uu hadda dib u bilaabayo shaqadiisa.

Waxaana ururkaasi lagaga dhawaaqay kulan lagaga hadlayay saamaynta xanuunka Coronavirus ku yeelan karo dhaqaalaha dunidda oo xalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Xubno dhaqaaleyahano ahaa oo kulankaasi ku sugnaa ayaa soo bandhigay qaab-dhismeedka ururka, tiradda xubnaha ururka iyo sida uu u shaqayn doono.

Hogaanka ururka dhaqaaleyahanadda Somaliland ayaa si ku-meel gaadh ah loo doortay Dr. Aadan Ismaaciil,  oo ka mida aqoonyahanadda reer Somaliland ee  dhinaca dhaqaalaha.

Dr. Aadan, oo hadal ka jeediyay kulankaasi loogu doortay guddoomiyaha ururka dhaqaaleyahanadda Somaliland ayaa  tilmaamay in ay masuuliyad weyn tahay xilka loo doortay.

Waxaanu yidhi, “Masuuliyad weyn weeye, oo la doonayo in ay inoo noqoto faa’iido. Hawsha waa la soo waday, laakiin, in ay xawli geliso hawshii hore ee socotay”.

Dr. Aadan Ismaaciil, oo hadalka sii watay ayaa ka dalbaday wasiirka Maaliyadda in ururka dhaqaaleyahanadu uu hello dhaqaalihii uu ku shaqayn lahaa.

“Xafiiska waa in kharash daba joogo, si xafiisku u shaqeeyo. Waana in uu xafiis dhab ah noqdo, balse waa in aanu Waraabe-u-taag” ayuu yidhi Dr. Aadan Ismaaciil.

Geesta  kale wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ku sugnaa madashii ururkaasi lagaga dhawaaqay ayaa soo dhaweeyay ururkan dhaqaaleyahanadda ee dib loo soo nooleeyay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan hanbalyaynayaa raggii ama hablihii ka soo shaqeeyay hawshani iyo dib-u-dhiska ururkani. Madaxda la magacaabayna, iyaga-na waan hanbalyaynayaa”.

Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda oo daba socday hadalkii Dr. Aadan Ismaaciil, ee la xidhiidhay in dhinaca dhaqaalaha ururka laga taageero ayaa ku taliyay in aanay ku tiirsanaanin dhaqaale ay dawladu siiso.

Taasoo uu sheegay in ay su’aal gelin doonto madax banaanidda ururka. Hase yeeshee ay ku dedaalaan sidii ay meello kale dhaqaale uga heli lahaayeen.

“Dawlad waxba haka doonina. Waayo? Markaa madax banaanidiinii ayay su’aali gelaysaa. Xubnaha weeye, waxa ururka taageeraa iyo dabcan taageero uu meello kale ka hello ururku.

Ama ganacsato ha noqoto, ama hay’adaha caalamiga ah ha noqoto ama meel kaleba ha noqotee. Arrinka dhaqaaluhu yaanu sabab u noqon in ururku kici waayo”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply